Villarreal ayaa lagu ganaaxay 12 kun euros oo ay kala kulmeen xiriirka kubada cagta Spain ka dib dhacdadii mooska lagu soo tuuray Dani Alves taasoo keentay inay mareegaha bulshada ka bilowdaan olole looga soo horjeedo cunsuriyada. Intii ay socotay kulankii La Liga ee 28kii April, daafaca Barcelona Dani Alves ayaa kaga jawaabay moos lagu soo tuuray isagoo fiiqday dabadeedna cunay.
Ciyaartoyda kale ee kubada cagta, dadka dunida laga yaqaano, siyaasiin iyo taageerayaal ayaa soo bandhigay taageerada ay u hayaan Alves iyagoo isku so sawiray iyagoo cunaya moos, taasoo keentay olole weyn oo looga soo horjeedo cunsuriyada.
Spain ayaa dhibaato ku qabta inay koontaroosho cunsuriyada ka jirta kubada cagta, iyadoo inta badan ay taageerayaasha cunsuriyeeyaan ciyaartoyda madowga ah iyagoo ku dhawaaqa sida daanyeerkii ama ku soo tuura moos. Kaliya isbuucii hore ayay aheyd markii taageerayaasha Atletico ay cunsuriyeeyeen xiddiga Levante Pape Diop.
Taageeraha mooska tuuray ayaa Villarreal ay inta noloshiisa ka dhiman ka mamnuucday garoonkeeda iyadoo markii danbe xabsiga loo taxaabay, laakiin waxaa la yaab leh in xiriirka kubada cagta Spain uu kaliya 12 kun euros ku ganaaxo Villarreal.