Man United Oo Dib U Dhigtay Magacaabista Louis Van Gaal Ilaa Iyo Todobaadka Danbe.

Kooxda Manchester United ayaa dib ugu dhigtay magacaabistii Louis Van Gaal ee tababraha United. Labad dhinac ayaa hore ugu heshiiayay in uu Van Gaal noqdo tababaraha badalidoona David Moyes balse kooxda ayaan si rasmi ah ugu dhawaaqidoonin illaa todobaadka danbe.

Ryan Giggs ayaa sii ahaandoona macalinka ku meel gaadhka ah ee shaytaadiinta cas cas isagoo Axada la ciyaaridoona kooxda Southamton ciyaartaas oo ah tii United ay ku soo xidhaysay horyaalka ingiriiska.  Marka ciyaartaasi dhamaato ayuu Giggs kooxda kala hadlidoonaa mustaqbalkiisa isagoo hadduu sii joogo noqondoona ciyaartoy, shaqaalaha tababarka ama labadaba iyo inuu go’aansado inuu kooxda iskaga tago.

 Van Gaal ayaa hadda ah tababaraha xulka qaranka Holand wuxuuna si rasmi ah kooxda United ula wareegidoona marka uu dhamaado Koobka adduunku.Man.United ayaa doonaysa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo magacaabista Van Gaal laakiin kooxda lama wareegi karo illaa inta ka horaysa bisha July. Van Gaal ayaa marka lagu dhawaaqo magacaabistiisa wuxuu ka qayb qaadandoonaa qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

United ayaan si fiican uga faa’iidaysan labdii suuq ee la soo dhaafay markaas oo uu macalin u haa Moyes wuuna la soo wareegay Marouane Fellaini oo kooxda la qabsan kariwaayay iyo Mata oo January la soo waregay oo kaliya.

Comments

comments