Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Sheegay Inay Dhiseen Kalsoonida Shacabku Ku Qabo Garsoorka.

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in ay dhiseen kalsoonida shacabku ku qabaan Garsoorka dalka, isla markaana qaybo badan oo ka jirtay maamul daadejinta Maxkamadaha ay wax badan ka qabteen Guddida Caddaaladdu.

Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Aadan Xaaji Cali oo khudbad ka jeediyey Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa, gaar ahaan si qoto dheer uga hadlay doorka hay’adaha caaddaaladdu ku leeyihiin hoggaaminta waxa kale oo uu sheegay in Maxkamadaha iyo hay’adaha kala duwan ee garsoorka la gaadhsiiyey gobollada dalka.

“Qaybo badan oo  garsoorka ka mid ah waxaannu gaynay gobollada dalka si qofka aan caasimada soo haleeli karayn uu uga helo halkaasi. Waxa annu wax ka qabanay dadkii laaluushka qaadan jiray ee maxkamadaha ka shaqaynayey iyo kuwii bixin jiray, iyadoo aannu dabogal ku samaynay. Sidoo kale waxaannu qaadanay shaqaale  leh aqoonta sharciga oo u badan maamul.

Qofka caanka ah, kan masuulka iyo ka taajirka ahi waxay la sinmeen dadka caadiga ah oo kalsoonidii dadka wananu soo celinay in badan, maadaama dadka qaar maxkamaddaha wax kale ka aminsanayeen oo ay kaba cabsoon jireen haddii maxkamadda arrin ama kiis ka galo, waxaannu samaynay si aannu kalsonidaas u soo celino inaannu adkayno garsoorka iyo qareennada dadka u dooda oo dad aqoon leh oo dhisan keenno oo qofku ku kalsoonaan karo inuuu xaq badan soo dhicisan karo, markaa imika dadku way amineen garsoorka iyo maxkamadaha,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan X. Cali.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...