Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Jimcihii shalay dood u qabtay labada Wasiir Warfaafineed ee Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa kale oo doodda ku jiray nin sharciyaqaan ahaan oo la safnaa dawladda Soomaaliya. Dooddu waxa ay taabanaysay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaalilaan. qoddobadan ayeynu falaqeynta ku taaban doonaa:
= Labada Wasiir Warfaafineed shalay way kala baxeen, waxaana guusha tirsaday wasiira Cali Mareexaan. Waayo Wasiir Cali Mareexaan wuxuu shalay la soo baxay sida uu diyaar ugu yahay dooddaha caalamiga ah ee Soomaalilaan adduunka la tagayso. Wuxuu soo bandhigay taariikh iyo adduun-arag weyn taasi oo uu ugu awood sheegtay Wasiir Daa’uud Aweys. Intaan ogahay Wasiir Cali Mareexaan waa shakhsiyan degan oo aad ugu fiirsada wuxuu doonaya, taasi wuxuu ku darsaday inuu yahay nin wax-akhris badan, waana ta shalay keentay inuu gacan sare ku yeesho doodda.
Daa’uud Aweys wuxuu ahaan jiray suxufi ka hawlgala warbaahinta Soomaalida, hasayeeshee muu haynin taariikh iyo waayo-adduun oo uu ku jebiyo doodda taariikhda iyo wax-akhriska ku dhisan ee uu soo bandhigay Wasiir Cali Mareexaan. Wasiir Daa’uud Aweys wuxuu ku celceliyey Distoorka dalka Soomaaliya ayaan ogoleyn heshiis in aanay cid kale gelin karin. Taasi waxa meesha ka saaray Wasiir Cali Mareexaan oo sharraxay in Distoorka uu Wasiirku sheegayo aanu fahamsanayn, oo uu yahay mid Soomaaliya ku kooban oo maamul-goboleedyadoodu wada samaysteen, oo kii ugu dambeeyey Garoowe wax lagaga beddelay, oo aanay Soomaalilaan la lahayn. Kii 1961-kii aftida loo qaadayna ay shicibka reer Soomaalilaan diideen oo ay meel kasta taalo natiijadaasi. Wasiir Daa’uud Aweys wuxuu ku margaday su’aal uu Wasiir Cali Mareexaan weydiiyey oo u dhignayd” Markii aad heshiis la galayseen 70 saldhiga ee dawladaha shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya ma Soomaalilaan ayaa idinla ogeyd?” maxaad u leedahay dawladda Soomaaliya ma ogola heshiiska ay Soomaalilaan la gashay Itoobiya?”
= Dhinaca kale wuxuu Wasiir Cali Mareexaan u wareegay markuu Daa’uud Aweys ka gacan sarreeyey sharciyaqaankii doodda kula jiray oo isagu toos ula safnaa dhinaca dawladda Soomaaliya. Sharciyaqaanka oo Dr. Xasan la yidhaa ayaa yidhi sharciga caalamiga ahi heshiiskaasi wuu ka horimanayaa. Wasiir Cali Mareexaan wuxuu markiiba fahmay doodda sharciyaqaanka inuu Muqdisho la safan yahay, waxaanu ugu yeedhay inuu yahay sarkaal sare oo tirsan dawladda Soomaaliya inuu doodda ku metalayo. Waxaanu weydiiyey meel aanay xukumin dawladda Soomaaliya siday heshiis ugu diidi kartaa? Sharciyada caalamiga ahi wuxuu sheegay in dawladdu ay maamusho meeshay ay heshiis ka galayso, sidaasi darteed Boosaaso iyo Kismaayo heshiiska ay galaan ayaanay waxba ka qaban karin mise waa Soomaalilaan oo aanay shuqul isku lahayn. Dr. Xasan ayaa ku dooday in jaarkaaga oo kaa xoog weyn aan la casuumin oo khatar lagu lagu geli karo Itoobiya inay Soomaalilaan heshiis la gasho. Hasayeeshee Wasiir Cali Mareexaan ayaa sharciyaqaanka weydiiyey inuu wax ka yidhaa 17 magaallo oo ay ciidamada Itoobiya joogaan iyaga oo tiro badan, miyanaay ahayn jaarkaaga xoog ee aad casuuntay?
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan