Shirkadda Somtel oo Maanta Daahfurtay Adeega 5G

Date:

Shirkadda Dadwaynaha ee Somtel ayaa madal baladhan ku daahfurtay adeega ugu sareeya internetka ee 5G Kaas oo noqonaya markii kowaad ee laga daahfuro dhulka Soomalida Degto.

Adeega 5G oo ka shaqeeya wadamo kooban oo ka mida dunida ayaa shirkada Somtel macamisheeda u keentay adeega ugu xawaraha sareeye internterka oo la jaanqaadaya sanadka cusub ee 2024.

“Waxaan Ku Faraxsanahay In Sidii Caadada inoo ahayd aan manta daahfurayno adeega 5G Oo Runti noqondoona mid wax wayn ka tara,Ganacstada,waxbarashada,Somtel marwalba waxa ay ahayd hurmuud curinta tiknolajiyadda,Shirkadu ugu horeeysay ee keenta 3G,4G iyo adeega Esim Iyo Waliba Maantana Daahfurtay 5G waxaan u sheegayna,macamiishayada,ganacsatada waawayn iyo kuwa yaryarba inaan maantana diyaar u nahay sidaad nooga barateen,inaan adeegyo idin keeno hadana diyaar idin yahay adeega 5G.” Madaxa Ganacsiga Somtel Mudane Abdirashiid Cumar.

Wasir Ku Xigeenka Warbarashada,Cabdixakim Siciid”Runtii Waxaan ku Faraxsanahay Inaan Somtel Kale Soo Qayb galo daahfurka adeega 5G Oo Qayb Wayn Ka Qaadan Doona Isbadalka Ka Socda Dunida Somaliland,Waxay Fursad Wayn u tahay Bahdii Waxbarashada oo aan Aaminsanahay Isbadalka waxbarashada ka socda oo horana lagu faa,iday oo ay Hurmuud ka yihiin shirkadaha Isgaadhsinta Oo Ay Ugu Horeeyso Shirkada Somtel Oo Tusaale wanagsan ay u tahay xiligii Lagu Jiray Xanuunka Covid”

Wasiirka Warfaafinta Cali Maraxaan”shirkada Somtel in ay maanta ku Ibbo furayso,oo ku bilaabayso Si Bulshada ay dadku u isticmaalaan adeega 5G,Waxa dhab ah in 5G Dunida Wada Gaadhin,Oo Duni Badan Oo Casiriya Oo Lacag Badan Haysta Oo Dalwado Waawayn Ah Inaanu Gaadhin Oo Kuwa Inala Jaar ah Iyo Kuwa Inaga Fogba Ay Ka Mid Yihiin,Shirkada Somtel Ee Soo Bandhigtayna Waan Ku Bogaadinaya waana mid dhaqaalaha wax ka taraysa”.

Wasiirka Isgaadhsinta” Waxaan Aad U Bogaadinaya Shirkada Somtel Oo Ah Hurmuudka Tiknoolajiyadda Oo Maanta Daahfuraysa Adeega 5G Waxaan Soo Dhawaynaynaa, Dhiirigalinaynaa,Isgaadhsinta Iyo Tiknooljiyadda Maanrana Daahfurayno,Waxa kale oo aan Aad Ugu Faraxsanahay in Dalalka Geeska Afrika Ama Aduunka Inteedabadan, kaga horayno Tiknoolajiyadda ,ee aanu nahay Dadkii ugu horeeyayay Sanadka Cusub 2024 La Kawsanaya Adeegan Casriga 5G ,Waxa anaga faan noo Ah Anaga Oo Ah Wasaradii Isgaadhinta iyo Tiknoolajiyadd Inaan Noqday Qofkii Ugu Horeeyay Ee Qaata 5G”

Maamulaha Guud Ee Shirkada Dababshiil Group Abdirashiid Ducaale”Hadaan Somtel Nahay Waan Ku Faraxsanahay,Inaanu Hirgalinay Gobol Kastana Waanu Gaadhsinaynaa, Waana Ku Faraxsananay,Iyada Oo Wadamada Qaar Waawayn Oo Inaga Xoog Wayn,Aanay Wali Hirgalin Oo Somtel Hirgalisay Oo Dhalinyaro Soomaliyeed Oo Wax Bartay Oo Ay Hirgaliyeen, Ajanabi Ma Hirgalin.”

 

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...