Suldan Maxamed Al-Fatax waxa uu ahaa hogaamiyihii dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga qarinigii 15aad . Dalalka Yurub casrigii fufka waxa looga yaqaana magaca Maxamed II ( Maxamedkii Labaad). Waa suldaankii todobaad ee xukunka Cusmaaniyiinta taladiisa qabta, waxaana lagu naanays jiray “ Faatax” oo laga soo qaatay dhulalkii faraha badanaa ee uu ka furtay quwadihii aan muslinka ahayn.
Suldaan Maxamed isagoo 8 sano jiray ayuu maqlay xadiiska Rasuulka (scw) ee sheegaya “ Inuu soo bixi doono Amiir ka mid ah kuwa ugu fadli badan amiirada dunida, oo uu furan doono Qisdandiiniya, isla markaana uu ku soo dari doono dawladda muslinka ah. Furitaankuna uu dhici doona Aakhir sebenka ka hor inta aanu soo bixin Dajaal Cawar”. Waxa weriyay Axmed Binu Xanbal xadiis No:18189.
Suldaanku wuxu markasta ka fikiri jiray sidii uu u noqon lahaa hogaamiyaha ciidanka furanaya Qisdandiiniya. Sheekhiisa Shamsudiin aya arinkaasi ka caawiyay.
Suldaanku waxa uu bartay dhamaan culuumta ciidamada milateriga iyo habka dagaalka sida difaaca, weerarka iyo qorshaynta xeeladaha dagaalka, waxa kale oo uu si weyn u bartay culuumta diinta islaamka.
Suldaan Maxamed Al-Fatax markii uu 23 sano jiray ayuu noqday hogaamiyaha ciidankii furtay Qisdandiiniya, iyadoo wakhtigaasi lagu soo daray xukunkii dawladii Islaamka ahayd. Qisdandiiniya waxa ay kow iyo toban Qarni ahayd dawlad xoog leh waxaana soo gebagebyay oo baabiiyay awoodoodii suldaanka.
Taariikh yahanada ayaa furashadaasi ka dhigay inay ahayd dhamaadkii casriyadii dhexe iyo bilwogii taariikhada casriga ah. Muddo 30 sano ah oo Suldan Maxamed uu xukunka Cusmaayinta hayay waxa uu furtay dhul balaadhan isagoo Yurub gaadhay magaalada Belgard. Suldan Maxamed Faatax waxa uu lahaa aqoon saqaafadeed aad u saraysa ah waxaana uu ku hadli jiray 7 toddoba luqadood oo kala ah Turki, Faransiis, Giriig, Serbiya, Iran, Carabi iyo Luqadda Yuhuudda.
Hamiga kasta oo kugu soo dhaca waxaad kaga dhabayn kartaa ficil, laakiin ma jiro waxaan aan la gaadhi Karin ama la fulin Karin caalamka dhexdiisa.