Madaxweyne ku Xigeenka JSL oo ka Qaybgalay Xafladda Qalin Jabinta Jaamacadda Quraanka Kariimka

Date:

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa shalay ka qaybgalay Munaasibad loo sameeyay arday ka qalinjabisay Jaamacada Qur’aanka Kariimka ah ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada loo sameeyay dufcadii koobaad ee ka qalinjabisa Jaamacada Qur’aanka Kariimka ah, oo tiradoodu dhan tahay 101 arday, wax aka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici, wasiiro, xildhibaano, maamulka jaamacada, waalidiinta ardayda dhashay iyo marti sharaf kale.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa ardayda ka qalinjabisay Jaamacada Qur’aanka Kariimka ah ku hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen geedigoodii waxbarasho, waxaanu kula dardaarmay inay dadaalkooda halkaaasi ka siiwadaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Quraanka Kariimka ah, ayaa sheegay in ay tahay jaamacadii u horraysay ee ku suntan Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana laga hirgeliyay gudaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacag la’aan wax lagu baray ardayda shalay ka qalinjabisay Jaamacada, waxa uu intaas raaciyay in markasta ay u taagan yihiin ka jaamacad ahaan u adeegista Kitaabka ILLAAHEY.

101 arday ee shalay Jaamacada Qur’aanka ka baxay ayaa ka qalinjabiyay laba Kuuliyadood oo kala ah barashada Qur’aanka Kariimka iyo Kuuliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamiga ah.

Madaxdii iyo marti sharaftii kala duwaneyd ee ka soo qayb gashay qalinta jaamacada Qur’aanka ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay munaasibadii loo sameeyay ardaydii shalay ka baxday jaamacada Qur’aanka Kariimka, waxaaney ku dheeraadeen qiimaha barashada Qur’aanku Kariimka ahi leeyahay.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ka qalinjabisay jaamacada Qur’aanka guddoonsiisay shahaadooyinkii ay mutaysteen.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...