Waa habeen qabow iyo dhaxan baraf ahi dhacayso, maalqabeenka ayaa soo maray nin miskiin ah oo fadhiya goob banaan isagoon haysan buste iyo hu kale oo uu dhaxanta kaga gaashaanto. Waxaana uu weydiiyay waa meeshan dhaxanta badan dhigay, isagoo aan waxba ka xidhnayn. Waxaana ninka saboolka ahi ugu jawaabay “ ma haysto hoy iyo hugii aan dhaxanta ka xidhan lahaa, habeen kasta halkan ayaan seexdaa”.
Maalqabeenka ayaa u balan qaaday inuu hadda, wakhti yar ka dib u soo qaadi doono buste iyo gogol iyo koodh uu dhaxanta ka xidho. Saboolka ayaa aad u farxay, waxaana uu sugayay habeenkii oo dhan balanqaadkii maalqabeenka, waxba se kuma guulaysan.
Ninka maalqabeenka ahi ayaa mashquulay markii uu ka dhaqaaqay ninka miskiinka, isagoo hawlihiisa iska watay ilaa ay gaadhay wakhtigii u seexan lahaa. Markii waagii beryay ee uu soo toosay ayuu xusuustay ninkii saboolka ahaa ee uu xalay u balan qaaday.
Waxaana uu tegey goobtii uu miskiinku joogay laakiin nasiib daro waxa uu la kulmay isagoo dhaxantii habeenimada dhacaysay u dhintay, waxaana dushiisa yaallay waraaq dardaaran ah oo ay ku qorantahay erayadan: “ Habeenadii hore waan u adkaysan jiray qabowga iyo dhaxanta, oo naftayda ayaan ku kalsoona oo difaaci jirtay, laakiin xalay adiga ayaa ii balan qaaday inaad ii keeni doonto qalab iga difaaca, sidaa awgeed kalsoonidii naftayda ayaad lumisay, qofna ha u balan qaadin wax aanad fulinayn, waana taasi sababta geeridayda”. Kalsoonida naftaada ayaa badbaadintu ku lamaan tahay