- Sabirka kaasho, noloshu mar kasta sida aad rabto ma noqonayso.
- Nolosha waxay ina bartay in shaqada wanaagsani aad uga fiican tahay hadalka wanaagsan ee kaliya.
- Waxay ina bartay in qofka guusha gaadh yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan
- Waxay ina bartay in tijaabada badan iyo quusta farqi weyn u dhexeeyo.
- Waxay ina bartay in markaad qoslayso dunida kula qoslayso, laakiin marka oohinta kulama ooyaan.
- Waxay noloshu ina bartay in hubka ugu weyn ee qofku yahay sabirka iyo wakhtiga.
- Waxay ina bartay in qofku jabay (Guuldaraystay) marka uu joojiyo dadaalkiisa
- Qofna haka sugin inuu ubax ku jaro , beero adigu oo gooso.