Boqorka markii uu kormeerka ku marayay bulshadiisa, waxa uu la kulmay nin beerlay ah oo aad u faraxsan. Boqorka ayaa ku yidhi “ waxa kaa muuqata farxad badan, ma tahay ninka beerta iska leh ?” Ninka ayaa ku jawaabay maya , waan ka sheqeeyaa.
Boqorka ayaa weydiiyay imisaad ka qaadataa, shaqadan badan ee ku faraxsan tahay?.
Waxaan uu ugu jawabaay 4 Ginni. Boqorka ayaa ku yidhi “ Ma kugu filan tahay ?“ , waxaana uu ku jawaabay haa way igu fian tahay.
Waayo , hal Ginni masaariif ayaan ka dhigtaa, midna dayn ayaan iskaga bixiyaa, mid kale anigaa daymiya dad kale, midna sadaqad ayaan ula baxaaa.
Boqorka oo yaaban sida uu hadalka u cabiray ayaa ku yidhi “ maan fahmine ii faahfaahi”? waxaana uu ku yidhi :” Midka aan masruufto Aniga iyo Xaaskayga ayaa ku nool. Midka aan daynta ku bixiyana waxaan siiyaa, labada waalid ee isoo koriyay, markaan yaraa, Midka aan daynta kuu sii bixiyana waa ka aan ku biiliyo caruurtayda, dharkooda, cuntadooda, waxbarashadooda, si markay weynaadaan iigu soo celiyaan.
Kan aan sadaqaystana waxaan siiya laba hablood oo walaaalo ah oo buka.
Boqorka ayaa aad buu ugu farxay xikmada odayga beeralayda ah iyo sida uu u fahansan yahay meertada nolosha, waxaana uu siiyay abaalmarin lacag ah. Boqorka ka dibna yidhi :” waxaan ka baratay Odayga beeralayda ah, Qiimaha qanaacada, jacayka shaqada, iyo nidaaminta hawshaada adduun iyo aakhiro”.