Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine.

Date:

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine.

▶️ Maalintii lixaad ayuu galay gulufka dagaal ee Ruushku ku hayo Ukraine, dadka ka faalooda dagaalada ayaa sheegaya in sababaha hakiyey weerarka Ruushka ay tahay iyadoo ciidamadu la kulmeen iska cabin xooggan ayna u baahdeen inay dib isku soo abaabulaan.

▶️ Ciidankii ugu badnaa oo wata boqollaal kolonyo gaadiid ah oo xiriirsan 60km ayaa imminka ku soo fool leh magaalada caasimadda ah ee Kyiv, tani waxay ka macno tahay isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushku ku doonayo in uu ku qabsado xarunta dalka. Waxay u badan tahay inay qabsadaan laakiin khasaare naf iyo maalba leh ayay ku gaari karaan taas.

▶️ Magaalada dhacda waqooyiga bari ee Okhtyrka gantaal ciidamada Ruushku ku dhufteen xarun ciidamada Ukraine leeyihiin waxaa ku dhintay 70 askari, sidaasi waxaa lagu sheegay war lagu qoray barta Twitter-ka Baarlamanka Ukraine, waxaa lagu tilmaamay askarta geeriyootay “Geesiyaal”.

▶️ Ruushku meelaha uu ka xoojiyey weerarkiisa waxaa ka mid ah magaalada Kharkiv oo ku taal waqooyi galbeed, halkaasi oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo la isku hooggay la iskuna baaba’ay.

▶️ Ruushka waxaa lagu eedeeyey inuu hadda bilaabay adeegsiga hubka ay mamnuuc tahay in la aeegsado oo kiimiko xambaarasan ee loo yaqaan vacuum bomb iyo thermobaric weapon, hubkan oo aad qatar ah wuxuu dhaliyaa neef qabad, holac, iyo dhulka ku hareeraysan meesha uu ku dhacay oo gubta, hubkan waxaa loo adeegsadaa dhufaysyada adag iyo buuraha.

▶️ Machadka daraasadka Australia ee Australian Strategic Policy Institute, waxay sheegeen inaanay caddeyn in Ruushku hubkaasi geeyey Ukraine balse aanay waxba u jirin inuu geeyo oo uu isticmaalo. Horey Human Rights Watch waxay ugu eedaysay fallaagada Ruushku taageero ee gobolka Donbas ee Ukraine inay adeegsadeen hubkan.

▶️ Ruushku hubkan wuxuu u adeegsaday dagaalkii Jejniya, sida ay sheegayaan ilo wareed kala duwan. Si la mid ah Mareykanka ayaa u adeegsaday dagaalkii Afgaanistaan si uu Al-Qaacida uga saaro buuraleyda. Maamulka Bashar Al Asa dee Suuriya ayaa isna lagu eedeeyey inuu u isticmaalay dagaalka Suuriya.

▶️ Qubarada sirdoonka ayaa sheegaya in ciidamada 200-kun ku dhow ee Ruushku uu diray dagaalka Ukraine aanay dhamaantood dagaalka wadagalin taasi oo ka macno ah in ay xilli kasta qaadi karaa dullaan baaxad leh, laakiin ay sugayaan inta ay tabar dhigayaan ciidamada Ukraine.

▶️ Ciidamada Ruushka oo aad ugu xeeldheer dagaalka magaalada, kana soo dagaalamay Jejniya, Crimea iyo meelo kale wax wayn lama ahan inay ku qaadaan Kyiv iyo magaalooyinka kale duullaan culus oo aanay u kala saarayn ciidan iyo rayid, waxaana sirdoonku ay leeyihin waa wax imaan kara xilli kasta.

▶️ Jeneral Mark Kimmitt oo ah mid ka mid ah saraakiishii Mareykanka ee ka qayb galay dhawr dagaal ayaa sheegay in dhawr qodob oo muhiim ah looga adkaan karo Ruushka, waxayna yihiin

▶️ In magaalada Kyiv iyo magaalooyinka kale laga saaro haweenka iyo caruurta isla markaana lagula dagaalamo dariiqyada.

▶️ In dhulka hoostiisa laga qoto jidad la iskaga gudbo, dhufayso iyo in aanay isdhiibin dadka reer Ukraine, wuxuu leeyahay taasi waxay dhalin doontaa in dagaalku ku dheeraado Ruushka oo ay ka niyad jabi karaan.

▶️ Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee loo yaqaan ICC ayaa iminka baaraysa in dagaalka Ukraine uu Ruushku ku kacay dambi dagaal.

▶️ Mareykanku wuxuu diiday dalabka Ukraine ah in dalkaasi laga sameeyo aag diyaaradaha ka caagan, afhayeenka Aqalka Cad waxay taasi ku sifaysay in ay keeni karto isku dhac dagaal oo dhexmara Ruushka iyo Mareykanka.

▶️ Ciidamada Ruushku saaka waxay hareereen magaalada Kherson oo ay ku nool yihiin 280 kun oo qof, waa magaalo kaabiga ku haysa waqooyiga gacanka Crimea oo Ruushku xoog kaga qabsaday Ukraine 2014.

▶️ Duqeyntii ugu dambeysay ee magaalooyin kala duwan dad badan oo rayid ah ayaa wax ku noqday, magaalada Kyiv isbitaal ayaa waxaa ku habsaday madfac dad badan ayaa wax ku noqday.

▶️ Ururka ciyaaraha Taekwondo waxay madaxweyne Putin ka xayuubiyeen suunkii tartankaasi oo uu horey u haystaan.

▶️ Xiriirka ciyaaraha Rugby-ga ee dunida wuxuu xayiraad ku soo rogay xulalka Ruushka iyo Belarus.

▶️ Waxaa wali sii socda go’doominta Ruushka lagu hayo iyo cunaqabataynta dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...