Xogta kulanka Biixi iyo Xaashi

Date:

Xogta kulanka Biixi iyo Xaashi

Waxa uu ahaa kulan dhexmaray laba nin oo hore siyaasadda saaxiib ugu ahaa balse waayadii dambe si weyn u kala fogaaday.

Xaashi, waxa uu ka tirsanayay madaxweyne Biixi, in aanu ugu lisin sidii uu u badhitaaray xilligii uu guclo oradka ugu jiray Doorashada madaxtooyada iyo weliba waayadii ka horreeyay oo Xaashi iyo raggii la aragtidaa ay garab istaageen musharraxnimada Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi, isna waxa uu ka tirsanayay Maxamuud Xaashi, in markiiba ku furay mucaaradad xooggan oo sababtay in lagaga guulaysto kursiga guddoomiyaha Wakiillada iyo weliba in uu kala fogeeyay Deegaankiisa iyo Xukuumadda.

Kulanka maanta oo markii hore Amb Baashe Cawil iyo xubno kale ku weheliyeen ayaa markii dambe labadooda oo keliya loo kala baxay waa Biixi iyo Xaashi.

tafaasiil badan lagama hayo kulanka maanta balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay iska laabxaadheen waxyaabihii hore u dhexmaray iyo heshiis ku saabsan mustaqbalka siyaasadda.

Kulamo dambe ayaa laba mas’uul isugu hadhsan sida la wariyay.

Maxamuud Xaashi, ayaa hore u sheegay in damaciisu yahay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyadoo haddana la sheegay in madaxweynaha uu hordhigay in lagu wareejiyo xisbiga Kulmiye ama uu furan toono urur Siyaasadeed balse uu madaxweynaha ka doonayo in aan ururkiisa Xukuumaddu la dagaalamin.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la shaaciyo natiijada kulamada u bilaamay Xaashi iyo madaxweyne Biixi.
@ Xasan Galaydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...