Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi ayaa qarka u saaran inuu berri baaqdo iyo Xogihii ugu danbeeyay.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo muddo ku kala fogaaday Siyaasadda.
Kulankan oo qorshuhu ahaa inuu qabsoomo berri salaasada ayaa la sheegay inuu u dhow yahay inuu baaqdo, ka dib markii sida la sheegay mad madow soo wajahay qaabka kulanku u dhacayo iyo cidda ka qayb galaysa, taas oo la isku af garan waayey, inkasta oo ay socdaan dedaallo lagu doonayo in qorshaha lagu kulan siinayo Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi aanu burburin.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, hase yeeshee sida ay xaqiijiyey warar xogogaal ahi, sababta keentay mad madowga soo baxay ayaa sheegaya in ay salka ku hayo in Madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi kulankoodu uu noqdo mid labadooda oo keli ah iyo in Wasiirrada Deegaankiisu qayb ka ahaadaan Kulanka Madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi.
Warku waxa uu intaasi ku daray in Maxamuud Xaashi ka biyo diiday qorshaha ay qaybta kaga noqonayaan Kulankan, isaga oo codsanaya in aanay qayb ka noqon si araga isaga iyo Madaxweynaha.
Dhinaca Madaxtooyada ayaa la sheegay in ay dib isugu noqotay, iyada oo laga war sugayo in ay ku adkaysto qorshaheeda hore ee in Wasiirrada Bariga Burco qaybta kaga noqonayaan Kulanka Biixi iyo Xaashi iyo in wax iska beddeli doonaan oo Madaxweynuhu aqbali doono inuu qaabilo oo uu la kulmo Siyaasi Maxamuud Xaashi.
Si kastaba ah ahaatee, dedaallo ayaa socda lagu doonayo in aanu kulanku baaqan, oo dhinacyadu si qanciyaan ka hor kulanka
@ Weriye Luqmaan Maxamed Faarax.