Qaabka maamuuska looga xayuubin karo xubin ka tirsan Golaha Wasiiradda.
W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac
Sida ku cad qodobka 96 (1,4) ee dastuurka, haddii wasiir ama wasiir ku xigeen ku dhaco dembiyada kala ah:
b. Khiyaamo Qaran (High Treason); ama
t. Ku xad gudub Dastuurka.
Waxa eed ku soo oogaya Xeer-ilaaliyaha Guud. Xeer-ilaaliyuhu waxa uu warbixinta eedda u gudbinayaa Madaxwaynaha. “Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa,” (96(4) ee dastuurka).
Haddii madaxwaynuhu dhawrsanaanta ka qaado wasiirka ama wasiir ku xigeenka, waxa dacwadiisa qaadaysa Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud cid kasta oo u aragta in uu wasiir galay faldembiyeedka sare ku xusan way u gudbin kartaa xogtaas. Tusaale ahaan, haddii Hantidhawraha Guud ku helo wasiir ama wasiir ku xigeen musuqmaasuq, waxa uu u gudbinayaa Xeer-ilaaliyaha Guud. Haddii uu ku qanco Xeer-ilaaliyuhu cadyamaha loo gudbiyay waxa uu marayaa hanaanka sare ku xusan. Si taas la mid ah haddii Golaha Wakiilada ama Golaha Guurtidu hayo cadaymo in wasiir ama wasiir ku xigeen jebiyay dastuurka waa inuu u gudbiyo arinkaas Xeer-ilaaliyaha Guud.