Xogo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ee Wasiirrada Bariga Burco

Date:

Wasiirada ka soo jeeda bariga Burco ee ka tirsan xukuumada ayaa shir ka yeeshay mawqifka ay ka qaadanayaan qorshe uu Muuse Biixi xisbiga Kulmiye ugu gacan gelinayo siyaasi Maxamuud Xaashi.

ujeedada Kulanka ay iskugu yimaadeen wasiirada beesha bariga ayaa lay xaqiijiyey inuu salka ku hayo qaabaynta jawaabta ugu macquulsan ee ay ka bixin karaan haddii Muuse Biixi fuliyo qorshaha uu damacsan yahay inuu xisbiga Kulmiye ugu wareejiyo Maxamuud Xaashi.

wasiiradan oo aaminsan in xilalka ay dawlada ka hayaan ay cidhiidhsan rakaabka siyaasi Xaashi wato oo uu ka mid yahay Amb Baashe Cawil oo xil ka sugaya madaxweynaha ayaa qodobada ay Isla Soo qaadeen uu ku jiray iscasilaad ay wadar ahaan kaga tagaan xilalka Marka Maxamuud Xaashi shidhka u galo Muuse Biixi.

xubnahan todobada ah oo iskugu jira wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno ayaa kulamo kale u balamay, waxaana la dhawri doonaa natiijada ka soo baxda shirarka hada u furmay.

Wasiirada shirka yeeshay ayaa kala ahaa.

  1. Maxamed Kaahin Axmed wasiirka arimaha gudaha.
  2. Xasan Maxamed Gaafaadhi wasiirka caafimaadka.

  3. Cali Xasan Maxamed wasiirka biyaha.

  4. Maxamed Xaaji Aadan wasiirka dastuurka.

  5. Saleebaan Warsame Guuleed wasiirka cadaalada.

  6. Wasiir ku xigeen maaliyada Rooda Cabdi Jaamac.

  7. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir ku xigeenka arimaha dibeda.

@wariye Abdiriżak Goud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...