WASIIRKA EEXDA, QARAABO KIILKA IYO DULMIGA KU CAANBAXAY!

Date:

WASIIRKA EEXDA, QARAABO KIILKA IYO DULMIGA KU CAANBAXAY!

waxaan wasaaradda waxbarashada ku soo biiray sanad 2011, waxa igu soo maray 5 wasiir waligay maan arag wasiir sidan u dhaqma. Waxaan idinla wadaagaya sheeko dheer oo na dhexmartay aniga iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye(Toorno), oo si sharciga baal maarsan iila dhaqmay isagoo xuquuqdayda siinaya wiil uu adeer u yahay oo uu qabyaalad badheedhka iigu gefay.

 

 

Sanadkii 2020, ayaan kasoo laabtay waxbarasho dibadeed oo aan kaga soo qalinjabiyey dalka ETHIOPIA Jamacadda Shaqallaha ee (Ethiopian Civil Service University), kadib waxaan dib ugu soo noqday shaqadii wasaaradda isagoo wasiirka ka ah TOORNO, waxanan usoo gudbiyey CV gayga iyo in aan diyaar u ahay in aan qaranka aan wax u soobartay u shaqeeyo nasiib daro se wasiirku si wanaagsan iimu soo dhawayn oo waxaan kala kulmay handaad iyo is indho kalalin.

 

Kadib, waxaan sameeyey in aan shaqo kale raadsado oo aan aqoontayda ku shaqo tago, waxanan helay shaqo kale. Kadib markuu ogaaday shaqadaa ayuu guddoomiyahii hore Hay’adda shaqlaha si hoose ula soo xidhidhay kana codsaday in meesha layga saaro. FARXAAN AADAN HAYBE, isagoo tixgalinaya codsiga wasiirka wuxuu igu qasbay in aan soo qoro warqad is casilaada oo baalmarwan xeerka dhaqaalaha dawlada, anigu waxaan ku idhi warqadaas waan soo qorayaa mar hadaad igu kalifatay balse booskan baynayo waa in si cadaalad ah loogu tartamo wanan la daba shaqayn doona sidiibanan warqad shaqo ka tagis ah ugu qoray wasiirka waxbarashada iyo sayniska.

 

Wasiir Toorno, wuxuu markiiba booskaygii ku qortay wiil uu adeer u yahay isagoo nidaamkii shaqaalaysiinta iyo xeerarkii dalkaba si cad u baal maray, anigoo aanu isiin xaqaygii shaqaalenimo ayey arrintaasi dhacday. Waxaan soo qortay warqad cabasho oo aan u soo gudbiyey wasiirka nasiib daro se dhag Jalaq umuu siin ee si aan ka jabasho lahayn ayuu arrintiisii iska watay.

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/09/2021, ayaan ugu tagay xafiiskiisa anigoo sita nuqul kamida kuu ku sameyey shaqo kasaarista iyo xog muhiima oo cadaynaynsa in qofka uu igu badashay uu yahay wiil uu adeer u yahay oo aan kamid ahayn shaqaalaha wasaaradda balse uu ka keenay dibadda. Waxaan halkan hoose idinku soo qoraya hadalkii nadhexmaray aniga iyo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska;

 

Aniga: Wasiir adigoon xaqaygii shaqaalenimo isiin oo aan wali wasaaradda ka tagin maxaa keenay in aad igu badelato wiilkan aad adeerka u tahay ee uu ku fududeeyey Guddoomiyihii hore Hay’adda Shaqaalaha Dawladu?

 

Wasiir Toorno: Sow iskamad tagin miyaad haysaaa wax cadayn ah oo xaqiijinaysa waxaad sheegayso.

 

Aniga: Haa wasiir bal eeg warqadan aad u qortay Hay’adda shaqalaha iyo tan isku badelka ah ee uu Guddoomiyihii hore sameeyey. Maanu wiilkaa aad igu badelatay ahyn wiil aad adeer u tahay oo aad dibadda ka keenay si sharciga baal marsana aanad ugu tuman xeeekii shaqlaysiinta ee dalka?

 

Wasiir Toorno. Adeer anigu  meesha reerkayagaan u jooga wiilka aan adeerka u ahayna xaq buu u leeyahay in aan kugu badalo ee oroda waxaad samayn karto samee.

 

Aniga:  Wasiir sharciga aad wasiirka ku tahay baan anna shaqaale ku ahay hadaad jabiso oo sidaa gefka ah u badheedho ogow in aanad ahanayn wasiir qaranka matala oo u qalma in uu wasiir sii ahaado ee Hay’adaha sharci ilaalinta ayaan kula tiigsan doona si waadax ahna ummada ayaan ula wadaagi doonaye.

 

Intaas ayay ku dhamaatay sheekadii aniga iyo wasiirka waxbarashada na dhex martay.

Waxaan idiin sheegaya in wasiirku caadaystay musuqmaasuq, eex, qaraabo kiil iyo ku tagrifal awoodo wasiirnimo ummadda u hayo aanu maalin ugu cadaalad samayn qaranka. Anigoo kaliya maaha ee dhamaan shaqalaha wasaaraddu way dulmanyihiin qofkii juuq yidhaahna xilka aya laga qaada ama shaqadaba waa laga eryaa, hawshaasna waxa ku garab siin jiray Guddoomiyihii hore Hay’adda shaqalaha dawlada.

 

Tusaale kooban, hadaad eegto siduu calaad darada ugu talax tagay xafiis walba waxa uu leenay 10 oo jufadiisa hoose ah. Haddii u xil oaqaadis samaynayo wuxuu dalacasiinaya qof jufadiisa ah bal marnaba may dhicin in uu calaadda ku maamulo xafiis uu taladiisa madaxweynu u igmaday. Dhamaan shaqalada wasaaradu way dulmanyihii qof shaqada u xor oo hananka shacogu ogolyey ku shaqeeya majiro ee dhamaantood waa adeegayaal siduu doonayo uga adeega. Kaliya si uu ummadda been uga dhaadhiciyana wuxuu Social Media la wadaaga waxqabad been ah oo iskaga dhaadhicinayo ummadda.

 

Tusaale kale, hadaad u fiirsato, cid u darawalka, askariga ilaaliya, xoghayntiisa iyo dhamaan inta xafiiska wasiirka ku qorani waa jufadiisa hoose.

 

Cadaalad baynu u baahanayn.

Cismaan suuldheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...