Suldan Cumar Suldan Maxamed Suldaan Faarax

Date:

Suldan Cumar Suldan Maxamed Suldaan Faarax Ilaahay jannadii farduusa ha ka waraabiyo isaga iyo waalidkiiba.
Abihii Suldaan Maxamed Allah ha u naxariisto eh wuxu ahaa Suldaankii sida rasmiga ah horaantii 1983kii ugu biiray SNM ee safka hore kaga jiray halgankii hubaysnaa ilaa taliskii Siyaad Barre dalka laga xoraynayay. Waxay taariikhdu marag uga tahay in uu ahaa Suldaankii Hubdhigista Somaliland ugu horeeyay ee isagu bilaabay 1dii February 1994kii, markii iyadoo cid kale ku dhiciwayday uu subax hubkii waawaynaa ee gacnta ugu jiray ciidamadii ka soo jeeday reerkiisa uu ku wareejiyay dawladda iyadoo wakhtigaa aanay jirin Ciidamo Amni Qaran. Talaabadaa geesinimada lahayd ee Suldaaan Cumar aabihii Suldan Maxamed uu ku dhiiraday bal qabsoo ayaa bilaw u ahayd asaaska ciidamada amniga qaranka-Bilayska, Ciidanka Ciidanka Qaranka iyo Aluubtaba- oo ah inta heeganka u ah una ahayd nabadgelyada ay Somaliland ilaa maanta ku naaloonaysay welina ku naaloonayso. Markaa saw lama odhan karo waa Suldanadii Haldankii SNM?? Anigu kolay sidaas ayaan qabaa taariikhdana been waa laga sheegi karaa balse iyadu been ma sheegto.

Suldan Cumar oo maanta geeridiisa la inoo soo sheegay waxaynu markhaati uga nahay in uu ahaa adoon wanaagsan oo qiimo leh. Wuxu ahaa Suldaan dhawrsan oo aad uga duwanaa suldaanada sebenka

Murxuum Suldaan Cumar waxan ka tacsiyaynaa woyskiisii eheladii iyo dhamaan shacbigq Somaliland. Ilaahayna Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo isagana Ilaahay Janadii Farduusa ha ku abaal mariyo .Aamiin

Cali Guray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...