Dhulbahantow: W/Q Ibraahin Hawd

Dhulbahantow!

Dhulbahantow, abtiyaal taariikhdeennii Daraawiisheed si wacan baynnu isu la baadhnay, intiinnii la socotay, wax badan oo badan baynnu is la aragnay, faa’iidooyin taariikheed oo aan umaddu hore u hayn baynnu keennay labada dhinacba, waxaas baana innaga dhigaya dad iyo ummad leh ilbaxnimo oo kobcinaya garashada, aqoonta iyo waxa la wadaago, heer walba iyo waji kasta. Halkaa taasi ha inoo joogto markan.

Mid kale ayaan haddaba idin lee yahay. Waagii Ina Cabdulle Xasan iyo Daraawiishi jabeen, si toos ah iyo si dadbanba waad u la jabteen, waayo labada dhinacba waad ku jirteen oo ku badnaydeen. Jabkaa iyo natiijadiisa awowyadiin wax ay u lahaayeen wacyi iyo garasho, sidii ay dadkooda inta hadhay u badbaadin lahaayeen ayayna falowgeed galeen markiiba, qoladii Daraawiishta la jabtay iyo qoladii wax ka jabisayba iyaga oo is ku duuban. Waa markii ay Isaaq iyo Dhulbahante sidii hore si ka badan isu gu badhxameen ee isu gu milmeen. Waxaa la gaadhay in magaalooyinka maanta Isaaqu dego Dhulbahante ku tiro la’ekaado, hantida iyo dhismayaasha u gu badan ku yeesho, talada Maxmiyaddii Ingiriiskana ay kaalimaha u gu horreeya galaan. Is la markaas bay Laascaanood noqotay magaalo weyn oo Buuhoodle cammirantay. Sidaas bay dawladnimadii Lixdankii uu dhalatay iyada oo Garaadku ahaa hormuudka lexjeclada Soomaalilaand, sida aad wada taqaannaan.

Taariikh taa hore la jaad ah baa haddaba dhacday sannadkii 1991. Kacaankii Soomaaliyeed ee Oktoobar, oo weliba hirgalkiisa Isaaq wax la ga saaro, tabtii Daraawiishta, wax uu ku dambeeyay malleeshiyo beeleed hubaysan oo Daarood oo dadka Soomaaliyeed xasuuqda oo bililiqaysata. Malleeshiyo beeleeddaas baad noqoteen qolada u gu daacadsan ee u dhimata, bilow iyo dhammaad. Waxgaradkii idinka dhashay ee idin yidhi waar ka soo hadha taladoodii waa diiddeen. Dabadeed waad la jabteen oo waa la idinka adkaaday, idinka iyo Daaroodkiinnii iyo Jaalle Siyaadkiinniiba. Waad qaxdeen oo silicdeen oo noqoteen dawlad la’aan. Isaaq oo hubkii Qaranka furtay baa Alle iskiin baday. Laakiin SNM kolkii ay dalka soo gashay wax ay qaadatay go’aan taariikhi ah oo ay waxgaradka iyo waaya’aragga Dhulbahante oo dhami qireen. “Xabbad la gu ma ridi karo qabiilooyinkii maamulka taageersanaa”, ayuu ahaa go’aankaasi. Guddoomiye Cabdiraxmaan-Tuur baa soo saaray go’aanka, Maxamed Kaahin baana u gu gobsanaa cid si buuxda u ga shaqaysiisa go’aankaa hirgelintiisa. Waxgarad ay ka mid yihiin Garaad Cabdiqani, Cali Khaliif, Afqarshe, Yaasiin Axmed Xaaji Nuur iyo rag kale wax ay qaateen talada ah “wax aynnu joognaa tabtii 1920 ee aynnu Isaaq wax la yeelanno”. Laakiin duuruf tii berigaa ka yara duwan baa idin hodday, oo ahayd in dawladdii duntay la soo celin karo. Aniguba ka mid baan ahaa dadkii rumaysnaa in filashadaa xaqa ah mar kale la xaqiijin karo (Cabdiraxmaan-Tuur oo adeerkay ah oo Soomaalilaand madaxweyne ka ah baa la i gu qancin kari waayay dawladdii dhexe iyo midnimadii waa la ga quusanayaa). Laakiin waa la soo celin kari waayay, waqti aad u badan baana idinka iyo Soomaalilaand ka ga lumay filashadaa.

Arrinka oo idiin taagan in aad Isaaq ka la badbaaddaan dawlad Soomaaliyeedna sugtaan, sidaa darteed Soomaalilaand ishaafalato ku la nool ayay Isaaqii dhexdooda is laayeen. Dabadeed Ina Cigaal wuu waayay awooddii uu idin ku qancin lahaa, wuuna is kiin moogaysiiyay si uu bal horta Garxajiska isaga fardaamiyo. Waxaa dhacday in uu si aan gobannimo ahayn arrintaa u la dhaqmay. Waa tii keentay in Dhulbahante badani Majeerteen la galo Buntlaand, walow aydaan ku badhaadhin ee aad markiiba nafsiyad ahaan ka baydaddeen. Soomaalilaand, Buntlaand, Xamar oo dawlado macmal ah loo farsameeyo iyo Dhulbahantayntiinnii ayaad ku ka la qaybsanteen oo ku ka la dhex lunteen, idinka oo dhannaba isu raaci kari waayay. Duruuftaasi wax ay idin galisay xaalad ah waxba ha samayn ee is ka joog (being pacified). Tiih baad gasheen, taas oo aad u ga duwan firfircoonidii iyo niyadsamidii awowyadiin ka ga soo kabteen jabkii 1920.

Tu kale oo aydaan malaha ku baraarugsanayn baa jirta. Bulshada Soomaalida oo aan weli ilbaxnimada dawladeed u hirgalin weli waxaa kaalin ku leh cuf-bulsheedka afka juqraafiga la gu yidhaahdo demography, oo ah u gu horrayn inta bulsho tiro la’eg tahay, sida ay dhulka u gu faafsan tahay iyo inta ay ka tahay dhiggeeda degaanka ku la dhaqan. Daraawiish ka hor Dhulbahantow wax aad ka mid ahaydeen qabiilooyinka Soomaalida u gu waaweyn tiro, tayo, dal iyo xoolaba, laakiin maanta ma tihidin. Idinka oo aan ahayn baad haddana ismoodsiisaan in aad tihiin, dabadeed waxyaalo badan oo aan dantiinna ahayn baad is ku maaweelisaan. Waa marka labaade, kolkii qaranjabku dhacay ee ay qasab noqotay in reer waliba degaankiisii ku noqdo, waxaa idin ku dhacday bad la’aan, tabta Marreexaanka iyo Ogaadeenka, dabadeed wax aad ka qaddeen ama idinku yaraaday ganacsiga Soomaalida cusubi ka hodantay. Haddii aad dekedda Berbera ama ta Boosaaso mid uun bulsho ahaan wax ku yeelan lahaydeen, wax yar waabad ku lee dihiine, labadii qoloba waad la ficiltamayseen muddadaas, oo midna ku ma aydaan milmin.

Haatan iyo dan, taladaydu waa tii awowyadiin yeeleen sanadkii 1920. Cid Isaaq idiin dhaanta heli maysaan oo waa hubaal ee in aad wax la qabsataan oo wax la qabsataan iimaansada, oo dalka iyo dawladda ay iyagu yagleeleen waad la lee dihiin ee ha u ga tagina ee ku qabsada. Isaaqu aad bay u rabaan in aad ku qabsataan oo wax la yeelataan, waanad og tihiin siyaasad ahaan in aanu jirin Isaaq siyaasadda ku midaysan oo is ka kiin xiga ama isaga kiin hiilin karaa. Kolka ay noqoto qadiyadda midnimada labadii gobol ee midka ahaa, Isaaq ka ma Soomaali iyo midnimo jeclidin ee nafta runta u sheega oo taa waqtigeeda iyo waayaheeda aynnu la sugno.

Allahumma hal ballaqtu, allahumma fash’had.

Comments

comments