Ismaaciil Mire iyo Muuse Igarre W/Q Ibraahim Hawd
Ma aan jeclayn in aan Ismaaciil Mire ka hadlo, waayo ma laha wax xiiso leh oo dhaafsan in uu ahaa maansayahan. Laakiin aad baa ilaa shalay la innoogu daaliyay iyada oo la gu caayayo ninka kale ee Janaraal Xaaji Muuse Igarre, iyaga oo ku sheegaya in ay labadaa nin ka la matalayaan quruxda iyo foolxumada taariikhda. Haddaba iyada oo aannu Ismaaciil Mire is ku qoys nahay siyaalo badan, Igarrena is ku reer nahay, taas oo ah sababta ay ii marmarinayaan, aan intan yar ka idhaahdo arrinka.
Milgaha iyo maamuuska qofka waxaa la ga eegaa sida qofkaasi naftiisa u guuleeyay iyo waxtarka uu banii aadanka kale u yeeshay. Haddaba Ismaaciil iyo Muuse koodee labadaa dhinac ee nolosha ku horreeyay? Horta labada nin asal ahaan wax ay ahaayeen is ku waayo, oo wax ay ku dhasheen miyi iyo reero geelley ah, dabadeed midkood noloshaa wuu qawaday wax uuna yeeshay han kale, midna halkii Alle dhigay buu iimaansaday oo sidii dadku u badnaa hashiisii buu dabada qabsaday.
Muuse isaga oo aad u yar buu ka mid noqday kumanyaalkii Isaaq iyo Harti ee Cadan iyo Barri Carab u xoogsan jiray. Cadan iyo guud ahaan Yaman berigaa iyo ka dib Soomaali baa yeelatay oo darajooyinka u gu sarreeyay ka gaadhay. Sidii la ogaa dadkaasi dhaqaalaha iyo ilbaxnimada Soomaalida wax aad u weyn bay ku soo biiriyeen, tacabkoodii ayayna magaalooyinka Waqooyi oo dhami ka asaasmeen. Iyaga ayaa Soomaalida u keenay fanka casriga ah, ruwaayadda iyo xitaa waddaniyadda. Muuse haddaba sida la sheegay Cadan nolosha wax uu ka bilaabay meelaha u gu hooseeya, sida maqaxwale iyo wax la mid ah, se wax uu ahaa nin Ilaahay ku abuuray fahmo, han, dhiirrasho iyo karti. Ciidanka Ingiriiska ayuu qortay, waxaana loo beddelay Hindiya. Halkaas bay ka soo baxday hibadiisa millateri iyo hoggaamineed. Si xawli leh buu u dallacay, dabadeed iskoriskii Cadmeed wax uu hoggaamiyay tobannaan kun oo millateri ah oo caddaan, casaan iyo madowba leh, wax uuna gaadhay darajada aynnu wada og nahay ee Major Risaldar, taas oo ay yarayd cid ka gaadhay imbradooriyaddii dunida hadhaysay ee Britain.
Muuse Igarre kolkii Bariga Afrika loo soo beddelay wax uu hormuud ka noqday, si xarrago lehna u gu libaystay, baabbi’inta argagixisadii Daraawiishta ee labaatanka sannood umadda Soomaaliyeed dad iyo duunyaba halaagtay. Dhanka kale wax uu ahaa marjac loo wada noqdo iyo maskax oday oo ka la hagta dadka reer Soomaalilaand iyo maamulkii Ingiriiska.
Ismaaciil dhankiisa sidii uu hashii oommanayd u dabo taagnaa, ee marna Isaaq u ga dhicinayay marna Ogaadeen, ayaa firqadii Daraawiishta la gu dul dhisay. Kol haddii wadaadda hawsha waday ay isaga xidid iyo xigaal wada ahaayeen, gaar ahaan Ina Cabdulle Xasan ilmo abti dhow oo is ku kacaan ah ahaayeen, wax ay la noqotay in uu ku biiro, sidii qoyskooduba u gu wada biiray. Muddo ka dib kolkii ceebaha iyo cilladaha Daraawiishtu soo baxeen, ee ninkii wax is ku falayay ee dhiig gobeed ku jiray oo dhami ka baxay, sidii Cali-Dhuux, lana diriray, Ismaaciil tolkii oo la gumaynayo oo la gumaadayo oo garaadkii la ga dilay ayuu wax ka gumaynayay. Nin Ogaadeen ah oo ay is ku habeen dhasheen buu labaatan sannadood “Aabbow Sayidii” ka hoos lahaa.
Ina Cabdulle Xasan ma qaddarin jiray Ismaaciil Mire? Maya, aad buu u xaqiri jiray oo wax uu u la dhaqmi jiray sidii kuray isaga u adeega. Halka uu isagu ka yidhaahdo “aabbow” isaga waxaa la gu odhan jiray “maandhow”. Sidee adiga oo oday ah nin ku la simani kuu lee yahay maandhow?! Waa is liidid aad u xun. Ismaaciil marnaba ka ma mid noqon madaxda Daraawiishta, wax uu se ahaa askari marba loo diro in uu geel soo dhaco ama dad soo laayo. Inta la og yahay weligii maalin buu talo keenay, oo soo jeediyay in Reer Hagar la gu duulo oo geela la ga soo dhaco, dabadeed Ina Cabdulle Xasan wax uu ku bahdilay “maandhow garaad iyo edeb toonna ma lihid ee na ga aamus!”
Maandhow umuurtaadu waa ababadaadiiye,
Maandhow adduun wuxu ahaan waadan idihayne,
Maandhow aqoon xumadu way ku ambinaysaaye,
Maandhow ninkaan edeb lahayn waa Allow sahale,
Maandhow arbaha hayga din oofataan ahaye.
Ismaaciil Mire ka ma mid ahayn raggii muhiimka ahaa ee madaxooda lacagta badan la dul dhigay, markii ay Daraawiishtu jabtayna ciidan Habar Yoonis ah baa qabtay mana ay dilin. Berbera ayuu muddo yar ku xidhnaa, dabadeed qoyskayaga ayaa soo dammiintay oo uu magan u ahaa in muddo ah. Ka dib wax uu is ka ga soo noqday Carra Dhulbahante iyada oo si wacan loo soo safriyay. Dabcan dadkii uu maalintaa abaalka u hayay waxaa u gu horreeya Muuse Igarraha aad ku xoqaysaan, badow yahay!
Muxuu ku dambeeyay Ismaaciil Mire? Wax uu ku dambeeyay in uu ka khajilo in uu Darwiish ahaa, noloshii iyo dhaqankii budhcadnimadana wuu ka toobad keenay, dadkiisa ayuuna ka mid noqday iyada oo ana cidina wax u sheeganayn. Haa, Ingiriiska ayuu u ga adeegi jiray reer Cali-Geri, tuulada Laasa Daar buuna fadhiyi jiray oo ku qaadan jiray mushahar xaqiran oo Muuse Igarre Burco u ga soo diro. Halkaas buu ku dhintay isaga oo gaala-raac ah, sida aad idinku cidda Ingiriis la heshiisaba u taqaannaan.
Laasa Daar wax ay wada fadhiyi jireen oo ku wada gaboobeen Cali-Dhuux oo ay is ku reer iyo is ku kacaan ahaayeen, dagaallo badanna is ka ga hor yimaaddeen waagii Daraawiishta, kaas oo aad isagana taariikhdiisa taqaannaan. Bal haddaba malee kolka ay sheekaysanayaan kooda la ga xarrago qaadan jiray, ee la ga heli jiray libta, dhab iyo kaftanba! Ta isaga iyo Muuse Igarre iyaduna waa tabtaa.
Waa tabtaas oo dooddii dheerayd ee inoo socotay toddobaadka xorriyadda Soomaalida laantii aad qabsateenba waa ay idin la jabtaye, intaas baan ka ga hadhayaa ee xaqa u soo noqda, oo is ka quba Mashruucii badawnimada iyo jirrada ahaa ee Faqash.