Tababar loo furay Hawlwadeeno ka Tirsan wasaaradda Warfaafinta

Date:

Tababar la xidhiidha qoraalka iyo tifaftirka ayaa loo furay Hawlwadeenno ka tirsan Waaxaha Telefishanka Qaranka iyo Wakaaladda Wararka ee SOLNA.

Tabobarkaas oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Waaxaha Cudduda Shaqaalaha, Wakaaladda iyo Telefishanka Qaranka, Waxa ka qaybgalay 12 xubnood, kuwaasi oo muddo laba maalmood ah qaadan doona duruurs qoraalka iyo tifaftirka.

Agaasimaha Waaxda Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Cumar Maxamed Faarax oo ka hadlay furitaankii tababarkaasi ayaa hawlwadeennda ka qaybgalaya u soo jeediyey inay macluumaadka ay ka korodhsadaan tababarkaas ay ku dabaqaan shaqo maalmeedkooda. Waxaanu tilmaamay in tababarkani yahay mid loo baahnaa oo kaalin ka geysanaya kor u qaadista shaqada Xafiiska Wararka ee Telefishanka iyo Xafiiska Online-ka ee Wakaaladda Wararka.

Agaasimaha Waaxda Telefishanka Qaranka, Cabdirisaaq Cismaan Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu la jaanqaadayso isbeddelada Tiknoolajiyada, waxaanu shaqaalahaas tababarka ka qaybgalaya ugu baaqay inay xil iyo masuuliyad iska saaraan sidii ay maalinba maalinta ka dambeysa ay u korodhsan lahaayeen xirfad iyo aqoonba.

Mustafe Maxamed Nuur madaxa kormeerka ee Xafiiska Cudduda shaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warramay ahmiyada uu tababarkaasi u leeyahay iyo dedaalka xafiiskoodu ugu jiro in kor loo qaado tababarada shaqaalaha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...