Yaa Fashiliyey Qorsihii hubinta Aqoonta Murrashaxiinta?

Yaa Fashiliyey Qorsihii hubinta Aqoonta Murrashaxiinta?
19 maalmood ka hor, waxa war rejo geliyey bulshada, kana nixiyey murrashaxiin badan, uu ka soo yeedhay guddida tacliinta sare iyo xafiiska Imtixaannaadka qaranka oo si wada jir ah farriin ugu direen murrashaxiinta u tartamaysa kuraasta Wakiillada iyo Deegaanka.
Labadan xafiis ayaa warka ay sheegeen waxa uu salka ku hayey in ay si caddaalad ah u hubin doonaan aqoonta iyo shahaadooyinka looga baahan yahay murrashaxiinta ee uu xeerka guud ee doorashooyinka ee 91/2020 ku waajibiyey, iyaga oo xusay in ay si gaar ah xil iska saari doonaan hubinta shahaadooyinka ay murrashaxiintu haystaan, madaama ay dhici karo in la samaysto shahaadooyin foojari ah, waxaanay masuuliyiinta Waxbarashadu tilmaameen in murrashaxa Goleyaasha Deegaanka u sharaxan ee laga rabo shahaado Jaamacaddeed, ay khasab tahay inuu soo raaciyo tii dugsiga sare, si loo hubiyo jaran-jaradiisa aqoonteed in ay sax tahay, halka kuwa Golaha Wakiillada u sharaxana ee dugsiga sare laga doonaya ay xuseen in ay baadhitaan adag marin doonaan.
Hadalkan iyo qorshahan ay daboolka qaadeen labadan xafiis waxa si weyn u soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan, oo u arkayey in dadka meteli doonaa ay noqon doonaan kuwo aqoontooda lagu xulanayo, waxna ka qaban kara baahiyahooda.
Sidoo kale, waxa ay tallaabadan Wasaaradda waxbarashada ka soo baxday, ay dhiiri gelin iyo rejo abuur u noqotay boqolaal dhalinyarro wax baratay ah iyo dad kale oo aqoon leh, kuwaas oo reerahoodu ka door bideen markii ay murrashaxiinta xulayeen, kuwo kale oo aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn, balse qaarkood jeebkoodu ladnaa.
Qorshahan, ma noqon mid ka farxiyey murrashaxiin badan oo iyagu isu arkayey in aanay ka gudbi karin qorshahan, waxaanay murrashaxiintan dagaal ka galay in aanay tallaabadani shaqayn, iyaga oo qaarkood abuuray dacaayado la xidhiidha in murrashaxiinta qaarkood loola jeedo oo lagu reebayo.
Saddexda Xisbi Qaran, ayaa iyagu hawshan u arkay mid caqabad ku ah hawlaha doorashada ee socda, madaama oo murrashaxiinta ay soo sharaxeen ee gaashaya 993 murrashax aanay ahayn qaar ay aqoon iyo waayo aragnimo ku soo xusheen, balse reeruhu u keeneen, sidaasina ay ku aqbaleen.
Sidoo kale, waxa ay xisbiyadu u arkeen arrintan mid gaabis ku keeni karta doorashada, madaama wakhtiga la haysto iyo hubinta aqoonta murrashaxiintu ay wakhti qaadan karo, wakhtigaasna aan loo haynin
Xukuumadda lafteeda, ayaa qorshahan hubinta aqoonta murrashaxiinta u aragtay mid aan dani ugu jirin, madaama oo ay iyada iyo Xisbigeedu dabada ka riixayeen murrashaxiin la aamisan yahay in aanay aqoontoodu heer jaamacaddeed ah gaadhsiinayn.
Dhinacyadan kala duwan ee aan la dhicin qorshahan, waxa ay aakhirkii keentay in 2 bishan Komishanka doorashooyinku warqad u qoreen Wasaaradda Waxbarashada, iyaga oo ka dalbaday in ay fududeeyaan hawlaha hubinta aqoonta, isla markaana aan murrashax lagu xidhin, haddii uu haysto Shahaado Jaamacaddeed, mid dugsi sare. Sidoo kale ay aqbalaan wixii u dhigma dugsi sare.
Warqadan Komishankuna waxa ay keentay in ay Xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada u qaabilsan hubinta shahaadooyinku in ay fududeeyaan hannaankii hubinta ee ay markii hore adkeeyeen.
Fududeyntan, ayaa waxa ka dhashay, in murrashaxiin badan oo heerkooda aqoonteed su’aali ka taagnayd baraha bulshada ku baahiyaan warqado cadayn u ah aqoontooda oo Xafiisyada waxbarashadu siiyaan.
Sidoo kale, waxa iyadu soo baxay in murrashaxiinta qaarkood loo caddeeyo, shahaadooyin la sheegay in ay ka qaateen Dugsiyo sare ee Xamar ku yaalla iyo Jaamacaddo kacday oo muddo aan shaqayn.
Si kastaba ha ahaatee, ujeeddadii hubinta shahaadooyinka iyo aqoonta murrashaxiinta laga lahaa, ayaa aakhirkii noqday kuwo ay si wada jir ah dhinacyadii hawsha doorashadu khusaysay ay u fashiliyeen.
Wargeyska Saxansaxo

Comments

comments