Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban

Date:

Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Dawladda Maraykanku safiirrada ay u magacaabayso in ay wakiillo uga noqdaan dalalka Dunida waxa lagu soo xulaa waayo aragnimadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin diblamaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah (career diplomats); waxase jira safiirro tiro yar oo madaxweynuhu ku maamuuso in ay dalkiisa wakiil uga noqdaan waddamo Maraykanka la xulufo ah.

Safiirrada ruug caddaaga ah yaala waxa loo diraa waddamada Maraykanku ka leeyahay dano muhiim ah sida quwadaha waaweyn iyo kuwa hore uga maray dhinaca dhaqaalaha laakiin, dalalka Dunida saddexaad gaar ahaan kuwa Afrika waxa loo soo magacaaba kuwo ka heer hooseeya (junior Diplomats).

Isku soo wada dar guud ahaan waa rag xul ah hase ahaatee mararka qaarkood waxa dhici kara in si khalad ah loo soo magacaabo rag aan ku haboonayn shaqada loo igmaday ee safiirnimo oo hagaaf ah, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa safiirka Maraykanku u soo dirtay Soomaaliya Donald Yamamoto.

Diblamaasigan ilaalinta danaha Maraykanka ka sakow waxa loo soo xilsaaray in uu dib u soo nooleeyo Qarankii fashilmay ee Somalia, siiba in uu ka caawiyo yagleelka hay’addihii dawladda ee burburay, dhismaha ciidamada Qaranka si looga maarmo ciidanka AMISOM, kobcinta dhaqaalaha, dimuqraaddiyadda iyo in uu xukuumadda gacan ka siiyo la dagaallanka urur diimeedyada xagjirka ah ee Soomaaliya iyo gobolkaba ka hawl gala; hase ahaatee intii uu joogay xaaladda Soomaaliya way ka sii dartay ama way ka sii xumaatay sidii hore.

Yamamoto inkasta oo aanu ku guulaysan xattaa mid ka mid ah arrimihii loo soo xilsaaray haddana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka (The State Deparment) wuxuu u gudbin jiray warbixino xaqiiqada ka fog iyo aragtidiisa gaarka ah oo aan ka turjumayn siyaasadda Maraykanka. Wuxuu diri jiray warbixino Soomaaliya iyo maamulka madaxweyne Farmaajo ka bixinaya sawir qurux badan si uu dhaqaale badan uga helo Beesha Caalamka.

Waxa uu ka aammusay xasillooni darrada iyo dhibaatada dawladda Federaalka Soomaaliya ka waddo maamul gobolleedyada gaar ahaan Jubaland. Mar kasta wuxuu hoos u dhigaa guulaha, horumarka iyo wararka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Si kastaba ha ahaatee waxa dhammaad ah muddo xileedkiisii safiirnimo, waxaanu Soomaaliya ka tagayaa isaga oo ‘file’-kiisu madhan yahay  oo aan wax guul ah ka soo hoyn shaqadii loo magacaabay haba-yaraatee, sidaa daraadeed waxaan u malaynaya in ay noqon doonto shaqadiisii ugu dambeysay, wuxuuna ku biiri doona liiska diblamaasiyiintii ugu liitay taariikhda ee soo mara Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka sidaa awgeed Yamamoto waxa lagu tilmaami karaa ninka Soomaalidu ku hal qabsato ee ay tidhaahdo “Wallee Feytanow dhaan dambe ayaanay cidina kuu dhiiban”.

 Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...