Tirada Suxufiyiinta la dilay Sannadka 2020 oo la Shaaciyey

Date:

Konton suxufi iyo shaqaale warbaahineed ayaa lagu dilay shaqadooda sanadkan sii dhamaanaya ee 2020, waxaanay dilalka Wariyeyaashan iyo Shaqaalaha Warbaahinta ay ka dhaceen inta badan dalal aan dagaal ku jirin, sida uu sheegay ururka Wariyeyaasha aan xuduuda lahayn ee (RSF).

Tirada guud ee saxafiyiinta la’ dilay sanadkan sii dhamaanaya ee 2020 ayaa waxyar ka yar sanadkii hor=e ee 2019-ka oo la dilay 53 Suxuf, inkasta oo RSF ay sheegtay in saxafiyiin aad uga tiro yar ay ka shaqeeyeen Mihnadan sanadkan cudurka COVID-19 awgiis.

Hase yeeshee dhibaataynta ba’an ee sanadkan ayaa muujinaya kororka bartilmaameedka suxufiyiinta baadha dembiyada abaabulan, musuqmaasuqa ama arrimaha deegaanka, ayuu yidhi ururkan la socda Suxufíyiinta.

Sideetan iyo afar boqolkiiba (84%) dadka sanadkan ladilay “si ula kac ah ayaa loogu bartilmaameedsaday” shaqadooda, RSF ayaa ku sheegtay warbixinteeda sanadlaha ah, marka la barbardhigo 63 boqolkiiba sanadka 2019.

Pauline Ades-Mevel, oo ah tifaftiraha guud ee RSF ayaa tidhi “Muddo dhowr sano ah hadda, wariyeyaasha aan xuduuda laheyn waxay xustay in saxafiyiinta baadhitaanka ay runti kujiraan iskutallaabta dowladaha, ama kooxaha ka ganacsada daroogada ee gaysta dambiyada abaabulan”.

Mexico ayaa ahayd wadanka ugu dhimashada badan, waxaana ku xigay Ciraaq, Afghanistan, India iyo Pakistan. “Xidhiidhka u dhexeeya ka ganacsiga daroogada iyo siyaasiyiinta ayaa wali ah, iyo saxafiyiinta ku dhiirada inay soo tabiyaan arimahan ama kuwa la xdhiidha ayaa wali ah bartilmaameedka dilalka waxashnimada ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Kuwii dilalka Suxufíyiinta ka geystay Mexico wali lama ciqaabin midkoodna, ayay intaa ku dartay RSF, oo uruurisa xogta sanadlaha ah ee weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta adduunka tan iyo 1995. ‘

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...