Ex-xildhibaan Mustafe Qodax oo Dalka dib ugu soo laabtay

Magaalada Hargeysa waxaa maanta soo gaadhay Ex-xildhibaan  Mustafe Qodax oo ka tirsanaa mudanayaasha aqalka sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse dhawaan iska casilay xilkaasi, kadib markii uu  cafis weydiistay xukuumadda Somaliland, ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe Qodax oo ka soo amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta,  ayaa afar sano kadib, si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa.

Mustafe Qodax oo ka hor xilka xildhibaano, xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiyada Somaliland, ayaa madashii lagu soo dhaweeyay ka sheegay in uu ka tanaasulay mabdi’ii uu qaatay ee uu ku tagey Soomaaliya, islamarkaana cafis uu weydiistay xukuumadda Somaliland.

Comments

comments