Somaliland: “Muuse Kursiga Uu Ku Fadhiyo Ayaanu Isku Haysanaa, Haddaan Markii Hore Ka Dhacsan Kari Waayay, Waxaan Rabaa Inaan Hadda Ka Dhacsado”

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safar ku jooga dalka Dibeddiisa ayaa ka hadlay tartanka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda doorashooyinku u leeyihiin Somaliland, Midnimada Shacabku leedahay iyo Arrimo kale oo khuseeya Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo dhawaan dalka ka bilaabmi doonta.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey Munaasibad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ayaa ugu horrayn Qurbe-joogta ugu baaqay Midnimo “Jaaliyad Somaliland ahaan midnimadiinu waa muhiim, Axsaab baynu nahay oo waynu qaybsanaanaynaa, Axsaabtuna waa Dastuuri oo Hay’ado jira, waana in awoodda dalka hadba lagu cusboonaysiiyo.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaanu jirin dagaal aan ka ahayn ka lagu kala riixanayo Kursiga Madaxweyne-nimo ee dalka ugu sarreeya, kaasi oo uu sheegay inuu rejaynayo inuu ka riixdo Madaxweyne Muuse Biixi, marka la gaadho doorashada Madaxtooyada “Dagaal kale ma jiro, laakiin awooddaa lagu tartamayaa, Muuse Kursiga uu ku fadhiyo ayaanu isku haysanaa, Aniga iyo Muuse Kursiga ayaanu isku haysanaa, Markii hore haddaan ka dhacsan kari waayay, waxaan rabaa inaan hadda ka dhacsado oo aan Taageeradiina kaga dhacsado.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaan guusha uu WADDANI doonayo inuu ka gaadho Doorashada u qaadanayn Qoryo “Inagu qoryo ma qaadanayno, Hanaan Dimuqraadi ah ayaynu ku saarnay, Dadkana waa la kala riixanayaa, xisbiga Waddani-na Rejo badan buu qabaa, awooddiisii berigii dhawayd inuu mid ka badan helo ayaanu rajeynaynaa.”ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...