Somaliland: Faysal Iyo Cirro Oo Lagu Eedeeyey Inay Gabeen Kaalintii Mucaaridnimo Ee Dalka, Noqdeenna Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Date:

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa lagu eedeeyey in ay gabi ahaanba gabeen kaalintii Mucaaradnimo ee dalka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay u muuqdaan kuwo ku milmay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, isla markaana noqday wasiiro ka tirsan Xukuumaddaas.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo arrintaas ka haddlay ayaa sheegay sidan:-“Wey tebayaan Bulshada reer Somaliland kaalintii Mucaaradka, ma jiraan Xisbiyo Mucaarad ah oo addag oo maanta kaalinta ay Bulshada reer Somaliland u baahan yihiin buuxin kara ,Mucaaradka waxaynu u samaysanay inay Xukuumadda toosiyaan mar walba oo wax yaabaha ka khaldan ay u soo bandhigaan oo muraayad ay u noqdaan Xukuumaddu isku arragto oo dhaliisheeda ay ka dhex arragto sababta aynu mucaaradka u samaysanay taas weeye, mucaaradku mahaa waxa loogu talo galay inay Somaliland dumiso ama ay xumayso, waa xukuumadda markaas tallada haysa muraayadii ay iska dhex arki lahayd ee ay dhaliisheeda ka dhex arki lahayd weeye Mucaaradku.”Ayuu yidhi Buubaa

Waxaanu intaas uu ku daray Xildhibaan Ibraahin Mahdi “Ma Jiraan labadii Xisbi Mucaarad-ba maanta waxay ag fadhiyaan oo aad mooddaa inay Wasiiro u yihiin Madaxweynaha maanta jooga,bidix iyo midig ayey ka kale fadhiyaan waxaad moodaa inay laba wasiir noqdeen,bulshada reer Somaliland wey tebayaan oo wey jirtaa kaalintii mucaaradka ahaa ee Qarankani u baahnaa ee dhisi lahaa toosin lahaa ee khaladaadkiisa sheegi lahaa lama hayo waanan ku raacsanay ummada reer Somaliland ee midhaas aaminsan .” Ayuu yidhi Ibraahin Mahdi Buubaa

Waxa kalene oo uu Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo haddalkiisa sii wataa uu sheegay inuu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu kala hadlay arrintaas, balse uu ka qaaday firxad iyo inuu Madaxtooyada orad ku galo “In badana ayaanu kala haddalnay annagoo ah Xildhibaanadda golaha Wakiilada ku matelaya Xisbiga WADDANI, balse wax kaga duxay ma jiraan ama uu kaga dhaqmay, wuxuuba ka sii qaaday marka aan dhaliishooda sheegno firdhad inuu naga firdhado oo u galo Madaxweynihii oo uu Xukuumaddii u galo oo uu isku dhiibaba ,taasina ma noqon karto wax waddi kara Xisbi Mucaarad ah inuu yeeshana mahaa.”ayuu yidhi

Shacabka Somaliland guud aaan iyo gaar ahaan dadka u kuur gala siyaasaddu waxa ay Hogaanka xisbiyada Mucaaridka Somaliland ku eedeeyaan muddooyinkii dambe in ay gabeen kaalin firfircoon oo Mucaaridnimo oo ku muujiyaan dhaliisha xukuumadda umaddana ugu soo ban dhigaan sida ay wax uga qaban karaan dhaliilaha tirade badan ee dul hoganaya xukuumadda xisbiga KULMIYE.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...