Somaliland: Xafiiska Taiwan Ee Hargeysa Oo Bilaabay Inuu Ganacsatada U Fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland

Date:

Xafiiska Dawladda Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si rasmiya u bilaabay shaqadiisa.

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa shaqooyinka uu bilaabay waxa ka mid ah inuu Ganacsatada Somaliland u fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland, si ay ugu safraan Dalka Taiwan.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Xafiiska Diblumaasiyadeed ee Dawladda Taiwan ka furatay Hargeysa uu si rasmi ah u bilaabay inuu Ganacsatada doonaya inay u safraan Taiwan uu u fiisaynayo Baasaaboorka Somaliland.

Tallaabadan oo muhiim u ah Ganacsatada Somaliland ee dalalka dibedda ugu safri jiray Baasaaboorrada dalalka kale, ayaa ku timid heshiis iskaashi oo bishii February ee sannadkan dhex martay Dawladaha Somaliland iyo Taiwan.

Heshiiska Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa ka mid ah in labada Caasimadood ee Taipea iyo Hargeysa ay ka kala furtaan laba Xafiis Wakiileed, taasi oo Taiwan fulisay Toddobaadkii la soo dhaafay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...