Somaliland: KULMIYE Oo Ku Dhawaaqay Shuruudaha Laga Rabo Dadka U Tartamaya Hoggaanka Xisbiga.

Date:

Guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey shuruudaha laga doonayo inay soo buuxiyaan xubin kasta oo danaynaysa inay kamid noqoto hoggaanka xisbiga ugu sarreeya.

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), ayaa ku dhawaaqay shuruudaha looga baahan yahay cid kasta oo hunguri ka hayo jagooyinka ugu sarreeya hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Shuruudaha laga rabo xubin kasta oo u tartamaysa kuraasta ugu sarraysa xisbiga KULMIYE, ayaa ah sidan soo socota:

1, Xubinta u tartamaysa guddoomiyaha xisbiga iyo guddoomiye-kuxigeennadu waa inuu 10-kii sano ee ugu dambeeyeyna uu ahaa xisbiga KULMIYE, islamarkaana uu qaadhaanka xisbiga bixinayey, xubin firfircoon oo xisbiga ka dhex muuqatana ahaa.

  1. Xubinta u tartamaysa guddoomiyaha iyo ku-xigeennada xisbigu waa inaanu ahayn xubin mar intuu ka baxay xisbiga, haddana kusoo noqday.
  2. Mussharrixinta guddoomiyaha iyo ku xigeenka u tartamaysaa waa inay labadii sannadood ee ugu dambeeyey dalka deggenaayeen oo ay joogeen.

4.Xubin kasta oo u tartamaysa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waa inay bixisaa 129,000,000 (boqol iyo sagaal iyo labaatan milyan ) oo shilinka Somaliland ah oo aan soo celin lahayn.

  1. Xubin kasta oo u tartamaysa, guddoomiye-ku-xigeennada koowaad, labaad, saddexaad iyo afraad, waa inay bixiyaan 86000,000 (Lix iyo siddeetan milyan) oo Somaliland shilin ah oo aan soo celin lahayn.
  2. lacagtaasi waa in lagu bixiyaa ugu dambayn bisha September (sagaalaad) shanteeda, wixii faahfaahin ahna waxa lagala xidhiidhayaa guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE.
  3. Murarrashaxu waa inuu soo gudbiyaa codsigiisa oo qoraal ah iyo jagaqada uu u sharraxan yahay.
  4. Murashaxu waa inuu soo gudbiyaa warqaddiisa dambi la’aanta iyo tiisa caafimaadka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...