Somaliland Oo Ku Biirtay Dawladaha Soo Dhaweeyay Heshiiska Isreal Iyo Imaaraadka

Date:

Dawladda Somaliland ayaa ku biirtay Dawladaha Caalamka ee soo dhaweeyay Heshiis Toddobaadkii hore dhex maray Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Isreal.

Heshiiskan Isku-tagga Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa waxa ugu muhiimsan oo ay Israel ogolaatay inay joojiso deegaamayntii ay ka wadday Dhulka Falastiin, taasi oo horseedday inuu Khamiistii la soo dhaafay hirgelo heshiiskan oo uu Maraykanku muddo ka shaqayanayey.

Heshiiskan ayaa waxa ka hor-yimid isla-markaana diiday Dawlado uu Turkigu ka mid yahay, laakiin waxa soo dhaweeyay Dawladaha Germany, Masar, Bahrain, Oman, Ingiriiska, France iyo Qaramada Midoobay.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo hore u ahaa Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo ka hadlay heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay Somaliland soo dhaweynayso heshiiskaasi.

Safiirka Somaliland ee Kenya oo u warramay Wargeyska businessweek oo Geeska Afrika soo xigtay ayaa yidhi  “Annagoo ah dad jecel nabadda, waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Caadiyeynta (Xidhiidhka) ee dhex maray Isutagga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil.”

Safiirka Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Heshiisku wuxuu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee danaynaya xasilloonida Gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yidhi.

Somaliland ayaa xidhiidh la leh Dawladda Imaaraadka Carabta oo Maalgelin ka wadda Somaliland, sida Maalgelinta Shirkadda DP World oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ka waddo Dekedda Berbera ee Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...