Somaliland: Sababta Xisbiga WADDANI Dib Ugu Dhigay Shirweynihiisa Iyo Shirkii Golaha Dhexe!

Date:

Guddida fulinta xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shir ay yeesheen dib ugu dhigay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga iyo shir weynihii,kaas oo horay ugu muddaysnaa inuu qabsoomo bisha sagaalaad ee sannadkan 2020-ka.

Shirkan Guddida fulinta ee Xisbiga WADDANI ay yeesheen oo uu shir Guddoominayey Guddoomiye Cabdiqaadir Jirta,isla markaana ay ka soo qayb-galeen 46 xubnood oo kamid ah guddida fulinta ee Xisbiga WADDANI.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi oo war-baahinta kula haddlay xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ayaa tafaasiil ka bixiyey sababaha dib loogu dhigay shirarkaas “ Ugu Dambeyn wuxuu shirku uu dood ka yeeshay muddaynta shirka Golaha dhexe iyo shir weynaha ee Xisbiga , kadib markii la isla garowsaday in uu saamayn weyn uu inagu reebay xanuunkii Covid 19 in qurba joogta Xisbiga oo mihiimad weyn Xisbigana u leh aanay ka soo qayb-geli karrin sababo la xidhiidha oo ay kamid tahay safaradii oo xaniban xiligii ay dadku soo bixi jireen oo uu xanuunkani saamayn uu ku yeeshay, u diyaar garowga doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo Wakiilada, markii uu tixgeliyey qoddobka 16 aad ee xeerka Xisbiga farqadiisa 5aad oo dhigaysa haddii la sugo oo la xaqiiyo in aan shir weynuhu uu ku qabsoomi karrin xiligii xeerku uu waajibiyey guddida fulintu waxay 45 maalmood ka hor ay soo jeedinayaan xiligaa in dib loo dhigo shir weynaha muddo aan ka badnay sannad oo ka bilaabmaysa maalinta uu xeerku waajibiyey in shir weynuhu uu qabsoomo .” Ayuu yidhi

Waxaanu intaas ku sii daray “Siddaa awgeed wuxuu shirkara guddida fulintu u codeeyey shirka Golaha dhexe iyo shir weynaha Xisbigu in dib loo dhigo muddo ku siman lix bilood laguna qabto labada shirba muddadaa lixda bilood ah.”

Dhanka kalena  Xoghaye Khadar  ayaa “Waxa ka soo qayb-galaya shirka guddida fulinta 46 masuul waxa u codeeyey dib u dhigsita 43 masuul ,waxa ka aamusay hal mudane ,waxa diiday hal mudane , Guddoomiyuhuna muu codayn sidaas awgeed waxa sidaas ku ansaxay dib u dhigstay labada shir ee isku sidkan .” ayuu yidhi Xoghayaha Guud Ee Xisbgaasi Mudane Khadar Xuseen Cabdi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...