Guddoomiyaha aqalka sare dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku tilmaamay inuu jabiyay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla isagoo kala dhex baxay hadal jeedintiisii golaha shacabka kal-fadhigiisii 7-aad.
Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Deegaanka Hargeysa, balse ka mid ah xubnaha dalkaasi u shaqo tagay ayaa wuxuu madaxweynaha Villa Somalia ku eedeeyay inuu hadal jeedintiisii dorraad ku bilaabay ilaalinta waajibaadka ka saaran dastuurka dalka balse uu isaga isla qudbadiisa ku jabiyay sharcigaas.
“Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ka hor jeediyay fadhiga guud ee golaha shacabka kal-fadhigiisii 7-aad, kulankiisii gaarka ahaa ee 2-aad, kaas oo dhacay 15-kii August 2020, hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbaddiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka” ayuu yidhi guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.
Sidoo kale guddoomiyaha wuxuu madaxweynaha Muqdisho ku eedeeyay inuu xaqiray jiritaanka aqalka sare maadaama uu qudbadiisa ku sheegay in golaha shacabka ay matalaan maamul goboleedyada iyo inay yahiin hay’adda ugu sarreysa ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in golaha Shacabka uu kusoo celin doono waxyaabihii kasoo baxa Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb uu ahaa mid khalad ah.
“Madaxweynaha miyaanu ogayn in uu madax ka yahay dal qaatay nidaamka Feederaalka oo leh laba baarlamaan,waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal” ayuu mar kale yidhi.
Ugu dambeyntii Cabdi Xaashi ayaa sheegay inaanay jirin cid ka hor imaan karta sharciga dalka sida uu hadalka u dhigay, isaguna uu u taagan yahay ilaalinta sharciga, wuxuuna hadalkiisa kusoo afjaray tix suugaan ah oo uu ku weerarayo hadal jeedintii madaxweynaha, iyadoo hadalkiisa laga dheehan karay inaanu Madaxweynuhu soo jeedin hadal la deeqsiin karo shacabka Soomaaliyeed.