Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay in aduunyada waxa ku dhaca bani’aadamka yihiin laba qeybood, mid cuqubo oo kuwa caasiga ku dhaca, qeyb ixtixaan ah, oo dadka wanaagsan Ilaahay SW dembiga kaga rido.
Khudbadii Jimcaha maanta oo Sh Dirir kaga hadlayey raadadka dunuubta macaasidu ku yeeshaan dalka iyo dalka ayuu ku bilaabay,
“Waxa Quraanka iyo axaadiistu inna barayaan in mar kastoo dunuubta iyo macaasida dadku badsadaan in ciqaabta Alle SW badanayso, dembiga noocyadiisa kala duwan mid walba jawaabtiisa ayuu leeyahay. Maxuu qofku isku weydiin waayey, madaxda dadka u jajajaban, mansab iyo maalba way u huraan, midkaasi waa innaga ayey yidhaahdaan, oo wuu inna taageersan yahay, adoon ar oo amaano haya ayaa sidaa u dhaqmaya, maxaad u mallaynaysaa Ilaahii SW aduunkan iyo waxa hoos jooga lahaa! “Ilaahay baa tilmaanta u weyn ee u wanaagsan leh”.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in adoonku markuu deedafeeyo nimcooyinka Ilaahay SW ku mannaystay, abaalbarintiisa aduunka lagu tuso intaan aakhiro la gaadhin aakhiro, waxaanu yidhi, “Adoonku abuuray, ee arsaaqad iyo aduun isu raaciyey, ee edebdaradan kala horyimi, ee yidhi maba jirtid? Oo nimcadii Ilaahay SW diiday oo dafiray? In waxyaalo badan aduunka lagu tuso way istaahilaan kuwa sidaa samaynaya? Iyadoo weliba naxariista Ilaahay SW ee balaadhan, weli fursad loo siinayo inay soo noqdaan.”Cadaabka weyn ee aakhiro intaan la gaadhin, kuwo yaryar ayaa dhadhansiinaynaa, si ay u soo noqdaan.
Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay cudurada aduunka ka dhacaya inay yihiin ciqaab Ilaahay SW kaga jawaabayo caasinnimada adoomadu la yimaadaan, “Muhaajiriinaay, shan arrimood marka la idiinku sallido, Ilaahay SW ayaan ka magan galay inuu idiinku sallidee, waxay noqonayaan jawaabahoodu sida soo socda
- ‘Faaxishadu (Sinno) qolo dhexdooda kuma faafto, ilaa cuduro la garan waayo oo daacuun ka mid yahay ayaa lagu sallidaa, oo ummadahoodii hore aan soo marrin.” Markaa cudurada AIDS-ka ee aan hore u jirin abaalmarin weeye Ilaahay SW ku macsida samaynaya ku abaalmarinayo.
- Dadku hadday khalkhal ku sameeyaan dhaqaalaha oo tijaartu noqdaan qaar bilaa amaanno ah, oo tooda keliya, balse ta ummada aan eegayn, shayga tiradiisa iyo tayadiisa ay khaldaan, dada, cunnada, shidaalka, dharka, iwm, Ilaahay SW waxuu ku sallidaa abaaro, duruuf adag iyo dad madax ah xaqdarro ku hogaamiya, Ilaahay SW ayaa dadka daba socda.
- Hadday sakada bixin waayaan, Ilaahay SW nimcadiisa roobka ayuu ka hakiyaa, oo ka joojiyaa
- Hadii dadku ballanka Ilaahay SW iyo rasuulkiisa CS jebiyaan, kii madaxda ahaa been sheego, kii taajirka ahaa been sheego, cadow ayaa Ilaahay SW ku sallidaa, ka qaada aduunyada Ilaahay iyo Rasuulkiisa u seegeen.
- Hadday kitaabka Alle SW iyo waxyiga loo soo dejiyey ku dhaqmi waayaan, oo khiyaarkooda ku qaadan waayaan, Ilaahay SW dhexdooda ayuu isku sallidaa, qabaa’ilkii baa isdilaya, kooxahii ba aisdilaya, dawladihii yaryaraa ee jaarka ayaa isdilaya.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in arrinkaa meel fog innagoo aan gaadhin, waaqiceena ayey ka muuqanaysaa, saxida la saxxana waxaynu ku helaynaa barwaaqada Nebi Maxamed NNKH inoo sheega.
Waxa isweydiin leh cudrada iyo masiibooyinka aduunka ka dhaca, keliya kuma dhacaan kua caasiyiinta ah, balse dad badan oo Ilaahay SW adeeca, maati, caruur aan axba geysan ayey ku dhacaan sidoo kale, xagee iyagana laga raacay?
Aduunyada waxa ku dhaca bani’aadamka waa laba qeybood, qeyb waa cuqubo oo kuwa caasiga ku dhaca, qeybna waa ixtixaan? Dadka wanaagsan dhibka ku dhaca Ilaahay SW dembiga wuu kaga ridaa, darajana wuu ugu dalacaa. Markaa dadkaa xun waxii xumaa ay sameeyeen hadii duulduul ka soo gaadho, ama iyagaba dadkii wanaagsanaa masiibadii wada gaadho, Ilaahay SW ayaa darajo ku siinaya. Xadiis saxeex ah Nebiga NNKH ayaa macnahiisu ahaa “Nebigu NNKH waxuu ka hadlay in aakhiru samaanka ummad dhan oo iska socda dhulka lala goynayo, markaa ayey xaaskiisi mid ka mid ah weydiisay ‘oo miyaa nala halaagayaa, iyadoo kuwo saalixiin ah nagu jiraan? Rasuulku CS waxuu yidhi Haa, waa la iskiin raacinayaa, marka dad xunku bato, ama xumaatu badato,” inta kalena imtixaan ayaa looga dhigayaa, Ilaahay SW waxuu aayad quraanka inoogu sheegay “ Iska ilaaliya belaayo kuwa sameeyey keliya aan ku koobnaanayn.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in hadii daacada ilaahay iyo ka amar qaadashadiisa la badiyo inaynu wanaag aduunyo iyo mid aakhiraba ku helayno, sida aayad quraanka la innoogu sheegay “Ddaku hadday dariiqa fiican ku toosnaan lahaayeen, raxmaadku kama kala go’een”.
Xalka walaalayaal waynu arkaynaa, inaynu Ilaahay SW iska dhaadhicino maaha, qof walba naftiisa xog-ogaal ayuu u yahay, mujtamaceena dhibka jira waynu ognahay, xalku waxa weeye inaynu Ilaahay SW u toobad keeno, Ilaahay SW ayaa yidhi, “Ilaahay u toobad keena, toobad wanaagsan, Ilaahay dunuubtiina wuu idiinka dhaafi”
Sheekh Maxamed oo bulshada uuga digayey sida la isaga ilaalin karo cudurada dunnida ku faafaya, sida dhakhaatiirtu inoo sheegay, ayaa yidhi,
“Ta koowaad waa tii Ilaahay SW inna faray ee nadaafada, markaa waa innaynu aad u badino weysada? Weysadu waxay ka mid tahay waxyaalaha ka hortaga ugu wanaagsan ee cudurada lagaga hortago. Dhakhaatiirta casrigan way ogaadeen in weysadu qeyb weyn ka qaadato ka hortaga cudurada.
- Qofku markuu hindhisayo inuu ku dedaalo inuu marro ama waxyaalaha afka lagu daboolo isticmaalo. Nebigu NNKH wuu inna baray “Midkiin haduu candhuuf tufayo maradiisa ha ku tufo”
- Marka xamaamka laga soo baxo ama wax la cunayo in la faraxasho, taasoo Nebigu NNKH inoo jideeyey, markuu xamaamka ka soo abxo ciida ayuu faraha gelin jiray, si ay ummada tusaale ugu noqoto. Wa ain dhaqankaa caruurta la barro, ehelka, gabdhaha shaaqiyadaha la barro, cudurada wareega waxyaalaha Ilaahay SW ku ilaaliyo (Ilaahay baa ilaaliyee) wax aka mid ah nadaafada.
- Qofku haduu gacantiisa mariyo meel aan munaasib ahayn, inuu meelaha jidhkiisa daldaloola afka, sanka, indhaha aanu marmarin.
- Qofku haduu isdareemo inuu xanuun sanayo inuu goobaha caafimaadka si degdeg ah ula xidhiidho.