Somaliland: Dawladda Taiwan Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Inay Magacowday Danjiraha Somaliland U Fadhiisan Doona

Date:

Dawladda Taiwan ayaa magacowday wakiilka u fadhiyi doona caasimadda JSL ee Hargeysa. Warbaahinta Taiwan ayaa shalay baahisay warkan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa jimcihii shalay xaqiijisay in danjire Lou Chen-hwa uu noqon doono wakiilka u fadhiyi doona Hargeysa. Danjire Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan ee xafiiska dhaqaalaha iyo dhaqanka ee dalka Sucuudiga.

Dawladda Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda waxay wakiilka u jooga Taiwan u magacowday Danjire Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Taiwan iyo Somaliland Joseph Wu iyo Yaasiin Faratoon ayaa bishii February ee sannadkan isku raacay inay labada dal xafiisyo isweydaarsadaan, waxaanay kala saxeexdeen heshiis.

Danjiraha Taiwan u fadhiyi doona Hargeysa ayaa wuxuu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Hargeysa, isagoo abaabulayay xafiiskooda Hargeysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...