Puntland: “Xamar Boob Iyo Fawdo Dawladnimo Ayaa Ka Socda” Xildhibaannada Puntland Oo Ka Hor Yimid Meeqaamka Muqdisho

Date:

Xidhiidhkii wada shaqayneed ee u dhexeeyay Maamulka Puntland iyo Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa meel xun maraya waxaana Maamulka Puntland qorshaynayaan inay gabi ahaanba ka goostaan oo ay noqdaan maamul madax bannaan,taasi oo shalay laga dareemayay doodii Baarlamaanka Maamulkaasi oo aad u xasaasi ahaa islamarkaana salka ku hayay dareen iyo Cadho qabiil.

Xildhibaanada Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa waxa ay shalay si gaar ah farta ugu fiiqeen dhibaatooyinkii Umadda Soomaaliyeed wakhtiyadii Dawladdii kacaanka kasoo gaadhay Magaaladda Muqdisho ay sheegeen inay reer Sheeganayaan islamarkaana ay dadka hore ugu dhibaateen sida ay sheegeen.“Waxaanu xamar ku ogayn in dadka, Hantida iyo nafta lagu bililiqaysto, oo lagu dhibaateeyo, laakiin hadda sharciyaddiibaa lagu bililiqaystaa hadda, markaa hadalku warsaxaafadeed, aragti iyo sidaasi ayay ila tahay maaha, inagu maanta go’aan masiir ah aynu ka qaadano inta laga helayo, waagii hore ayaynu dayacnay oo aynu durduro aynaan shuqul ku lahayn galnay, waxaan leeyahay inta Soomaali baahi iyadu isku qabto oo baahi ay iyadu leedahay ay garowe noogula imanayso, inaanu go’aan ka gaadhno oo aanu banaankaasi ka marno Soomaali, kuna tashano, Go’aankeediina aynu gaadhno, Horumarkeenana aynu samaysano, anagu xamarbaan kasoo shaqaynay, Hogaanbaan joognay booliiska ah, Walaahi  Taliye ku xigeenkaaga inaad odhan Karin waad qaldan tahay, hadii uu qalad sameeyo”.

“Meesha layidhaahdo Muqdisho, waxay ahayd Caasimaddii Soomaaliya, Burbur haddii uu dhacayna, dadkan halkani Goboladdan ku abtirsada iyo Soomaalidda kale ee aan halkaasi Xamar deegaan ku ahayn, intaba waa lagu dhibaateeyay, waxaa loogu gaystay Dhibaato aad u faro badan, waa lalaayay, waa lagu dhacay waa la baro kiciyay, iyagoo carruurtii iyo wixii markaas ay qaadan karaan ilka kusita ayay xamar ka baxeen, sidaas darteed inaynu ka hadalno baaqna kasoo jeedino, haddii ay dhiriq u dhintaan xildhibaankii qoray Message-yadaasi hanjabaada ah waa  layaqaanaa, in masuuliyadaasi ay iyagu qaadayaan lambar “One” waa loo baahan yahay, waayo inaga ayay meesha inoo joogaan, waxa hadhay, Xamar waa guri Soomaaliyeed, Caasimad ayay Soomaaliya u tahay, Cid gooni u lihi majirto, Markaa Cidina Cid uguma hanjabi karto”.

“Ninka layidhaa Gudoomiye Mursal, shalay Hadalkiisa waad wada dhagaysateen, wuxuu reer Puntland ku calaamadiyay inay Muqdisho kasoo horjeedaan, Fawdana ay wadaan,ninkii Xaqiisa ka hadla waxaa lagu calaamadinayaa Fidmo wale inuu yahay, waa loo handadyaa waana loo dhaaranayaa”.

“Haddii dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya lagu heshiin waayo anigu waxaan qabaa, Reer Puntland way isku yimaadeen, way tashadeen, go’aamaddii masiiriga ahaa ka soo baxay waxa uu inoogu jiraa Ajandaha, waa in lasoo hor mariyo, Soomaaliya haddii ay wada tashan waydo in lakala tasho ayay noqonaysaa, Caasimadda Soomaaliya Soomaaliya oo dhan ayay u dhexaysaa, wixii soo kordha waxa loo leeyahay waa 4.5,Xamar Boob iyo fawdo Dawladnimo ayaa ka socda”. Ayay yidhaahdeen iyaga oo ka dayriyay xaaladdaasi Muqdisho.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...