Kulankii ugu horreeyay ee si fool ka fool ah isaga hor yimaadaan wafuudo dowladda soomaaliya iyo Somaliland oo iminka toos uga bilaamay Dalka jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaare Itoobiya Abay Ahmed ayaa kulanka goobjoog ka ah.
kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya iyo Soomaliland uu si toos ah ugu dhex maro dalka Jabuuti.