Somalia: Siyaasi C/Kariin Xuseen Guuleed Oo Ku Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed, Kana Mid Noqonaya…

Date:

Siyaasiga C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u soo noqday Wasiir iyo Madaxweyne Maamul goboleed ayaa ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed cusub ee oo sameeyay, kaasoo uu Guddoomiye ka yahay.

Xisbigan ayaa la magac baxay SAHAN, waxaana la filaya inuu ka mid noqdo axsaabta siyaasadda ee dalka marka la diiwaan geliyo, lana siiyo shahaadada kumeel gaarka ah.

War saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Sahan ayaa lagu sheegay inuu u furan yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna ahmiyad siin doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed, lana qaban doono shirweynahiisa.

C/kariin Guuleed ayaa tan iyo markii sanad ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxay kooxdii uu ka tirsanaa ee dhinaca siyaasadda ay is baheysi ka ahaayeen, waxaa ku jiray damac siyaasadeed, gaar ahaan u tartanka xilka ugu sareeya dalka.

Mr Guuleed ayaa ka mid ahaa saaxibada waa weyn ee Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, waxaa labo jeer uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, xilligii uu talada dalka hayay Xasan Sheekh, 2014 ayuu iska casilay xilka Wasiirka Amniga, kaddib weerarkii lagu qaaday xarunta Baarlamaanka, sidoo kale sanadkii 2015 bartamaheeda ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo uu sanadkii 2017 horaanteeda iska casilay sababo caafimaad darteed.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...