Somaliland: Xubnihii UCID Iyo WADDANI U Magacaabeen Komiisanka Cusub Oo Waayey Codadkii Ay Ku Ansixi Lahaayeen

Date:

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan Labada xubnood ee Xisbiga WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan komiishanka doorashooyinka Qaranka.

Fadhi ay Maanta yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Xisbiyadu ay u soo Magacaabeen Komiishanka, ayaa Xildhibaannadu mid mid ugu gacan taageen, laakiin midna ma helin Tirada Codadkii uu ku ansixi lahaa.

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID ku matali lahaa Komiishanka ayaa waxa u codeeyay oo ogolaaday 29 Xildhibaan, waxa diiday 8 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan.

Sidoo kale, Maxamuud Siciid Dalmar oo ah Xubinta uu Xisbiga WADDANI u soo Magacaabay Komiishanka waxa u codeeyay isla-markaana ogolaadya 31 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan, waxaana diiday 6 Xildhibaan.

Sidaas ayay labada Xubnood kaga hadheen komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland, maaddaama oo mid walba laga rabay inuu helo 41 Cod.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...