Somaliland: Fariin ku Socota Macaamiisha Dahabshiil ee xaaladda Covid-19

Date:

Waxaanu la dareennahay Macaamiisha Dahabshiil ee Daafahadunidda ku nool, iyo warwar-ka ay ka qabaan xanuunka (Covid-19) oo aad ugu fidaya aduunyadda oo dhan iyo sidii ay eheladooda iyo asxaabtooda u gaadhsiin lahaayeen Lacagihii ay u diri jireen.

Sidaa daraadeed, waxaanu Macaamiisha Dahabshiil la socodsiinaynaa in Lacagaha aad eheladiina u soo diraysaan aad ka soo diri kartaaan Mobile App-ka Talkremit (www.talkremit.com) idinka oo Jooga Guryihiina.

Shirkadda Dahabshiil Waxay sidoo kale ku wargelinaysaa macaamiisheeda joogta dalka gudihiisa in lacagaha loo soo diro ay ku heli karaan Mobile-kooda iyaga oo jooga guryahooda. Sidaa awgeed macmiil fadlan la wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaada Lambarkaaga Somtel ee leh adeega eDahab si lacagta laguu soo dirayo aad ugu hesho mobile-kaaga.

Shirkaddu waxay ku dadaalaysaa inay laban-laabto dedaalkeeda adeeg-bixineed Wakhtigan adag ee lagu jiro, si aanu u xaqiijino in dhammaan macaamiishayadu ay degdeg u helaan lacagaha ay u soo dirayaan eheladooda iyo asxaabtoodu.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay macaamiisheedda ku waaninaysaa inay ku dadaalaan ilaalinta nadaafadooda iyo inay raacaan dhamaan talooyinka iyo talaabooyinka caafimaad ee lagaga horta tagayo xanuunkan (Covid-19).

Waxaad kala socon kartaan si joogta ah wixii kasoo kordha xaallada Xanuunka iyo adeegyadda Dahabshiil Degelkayaga (https://www.dahabshiil.com). Ilaahayna waxa aanu ka rajaynaynaa inuu ina hareer mariyo masiibadan caafimaad (Aamiin).

Wa billaahi Tawfiiq

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...