Somaliland: “Talaabo Kasta Oo Lagaga Hor Tagi Karo Coronavirus Halla Qaado..”

Date:

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaah, oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay xanuunka Coronavirus, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Xukuumadda iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeraad ah.
Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaah,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Coronavirus, waa xanuun aad khatar u ah, oo inta badan gaadhay Waddamada kala duwan ee Caalamka, waa xanuun dad badani u dhinteen, dad badana soo ritay, waa xanuun si yar oo fudud loo kala qaadi karo, talaabo kasta oo lagaga hor tagi karo Coronavirus inuu dalkeena soo galo ha la qaado, Xukuumadduna hormood ha ka haato, Shacabkuna aad ha isku ilaaliyaan, oo aad ha loogu dedaalo nadaafada oo feejignaan dheerad ah ha la muujiyo”.

Boqor Raabbi mar uu ka hadlaayey baryada ALLE in la badiyo ayaa wuxuu yidhi “Umaddeena iyo guud ahaan Umadda Islaamka ah ee aynu ka mid ka nahayba meel kasta oo ay joogaan, waxaan ALLE uga baryayaa caafimaad iyo inuu inaga hayo xanuunada iyo dhibaatooyinkaba, mar kastana aynu xasuusnaano ILLAAHAY iyo xuskiisa, oo aynu badino xuskiisa iyo bariyadiisa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...