Somaliland: WADDANI Oo Ka Hadlay Dilal Qorshaysan Oo Ka Dhacay Laascaanood

Date:

Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xaaladda amni ee Magaalada Laascaanood, halkaasi oo dhawaan lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool iyo Taliyihii Sirdoonka.

Mr. Cantar oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay in baadhid lagu sameeyo Dilalkii u dambeeyay ee Laascaanood ka dhacay, si looga gun-gaadho halka Sartu ka qudhuntay.

Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “2-dii bishan waxa la dilay Xasan Sheekh Cumar oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool, haddana waxa lagu xigsiiyey Cabdiqani Guhaad Xasan oo ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka ee Gobolka Sool, Labada Ilaahay ha u naxariisto, Madaxweynuhuna wuu ka hadlay.”

Cantar wuxuu soo jeediyey in Dawladda dhexe tagto Sool, isla-markaana baadhitaan qoto-dheer lagu sameeyo Dilalka loo geystay labada Masuul “Haddii Dawladnimo jirto waa in la tago oo la baadho, oo baadhista hore u joogtay aan ahayn oo xoojin ah la geeyo oo wixii Dilka geystay (la baadho weeyaan)…”Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in intii Xukuumadihii Kulmiye ee Talada Dalka u kala dambeeyay Somaliland hoggaaminayeen ay Laascaanood noqotay Sayladda Dilka “Illaa Dawladdii Kulmiye siday u dhalatay meeshaasi waxay ahayd Saylad Dadka lagu laayo..”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...