Somaliland: Xilldhibaan Qabile Oo Sheegay In Aanu Mar Dambe Isku Soo Sharixi Doonin Golaha Wakiilada

Date:

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, muddo dheerna ku soo jiray Golahan, ayaa sheegay in haddii ALLE idmo aanu isku soo sharixi doonin Doorashada Golaha Wakiilada, ee la filayo inay dhacdo, balse uu noqon doono Oday ka qayb qaata xuliskta Musharixiinta.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo u warmay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey heshiiska Xisbiyada, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “In la heshiiyo, oo laga heshiiyo khilaafaadka siyaasiga ah ee ina ragaadiyey waa mid aan soo dhaweeynayo, waxaana guud ahaan heshiiskan ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha, Xisbiyada, Bulshada Somaliland iyo cid kasta oo gacan ka geystay heshiiska, runtii farta ayeynu wadnaha ku haynay, oo baqasho badan baa jirtay, laakiin baqashadaas badani haddii ay maanta ku dambaysay heshiis aynu ka heshiinay wixii la isku hayey waa ALLE mahadii”.

Mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada iyo in aanu mar dambe iska soo sharixi doonin ayaa yidhi “Anigu muddo aad u dheer ayaan ahaa Xildhibaan, ka tirsan Wakiilada, haddii ALLE nafta ii daaya waan ka dagayaa kurisga, oo waxaan noqonayaa Oday ka qayb qaata xulista musharixiinta Golaha Wakiilada”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...