Somaliland: Sidee Ayay U Arkaan Shirkadaha Isgaadhsiinta S/land Wax Ka Badalka Xeerka Isgaadhsiinta ?

Shirkadda Somtel ayaa soo dhaweeysay in baarlamaanka Somaliland ay ka noqdeen kootadii ugu xidhnayd internetka Fiber-Optica shirkadda Somcable.

Shirkadda Somtel oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xildhibaannada golaha wakiillada iyo wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolajiyadda.

Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa si weyn u soo dhawaysay in baarlamaanka Somaliland ay ka noqdeen kootadii ugu xidhnayd internetka Fiber-Optica shirkadda Somcable.

Shirkadda Telesom oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa u mahadnaqday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolajiyadda.

Comments

comments