Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Labada Gole Uga Waramo Kulankii Uu Addis Ababa Kula Yeeshay Madaxweyne Farmaajo

Date:

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada] uga waramo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu toddobaadkan khudbada distooriga ah ee labada gole u jeediyo baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu labada gole iyo shacabka uga waramo natiijada kulankii uu Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Kulankaas oo ay shacabku su’aalo badan iska weydiinayaan ayaa waxa ay shacabku madaxweyne Biixi ka sugayaan inuu si mug leh uga waramo, sidoo kalena uu ka jawaabo dhawaaqii uu Madaxweynaha Soomaaliya kulankaas ka dib ku sheegay inuu cudur daar ka bixinayo xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo la sugayaa inuu khudbadiisan kaga hadlo qaddiyaga guddiga doorashooyinka oo xiisad siyaasadeed dalka ka buurtay, islamarkaana ay ka baxeen labadii xubnood ee mucaaradka u metelayay.

Madaxweyne Biixi ayaa laga yaabaa inuu sidoo kale khudbadiisan kaga hadlo waxyaabihii ay xukuumadiisu qabatay.

Xisbiyada mucaaradka ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu shacabka u soo bandhigo midhaha ka soo baxay kulankaas uu Farmaajo la yeeshay iyo qodobadii ay ka wada hadleen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...