Somaliland: “Waa In Xuquuqda, Xaqsoorka, Cadaallada Iyo Sinaanta Umadda La ilaalliya Oo Aan Loo Kala Hiilin”

Date:

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa hadlay nabadgalyada, waxaanu baaq nabadgalyada ku saabsan u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in umadda si siman loogu xaqsooro, waxaanu si gaar ah talooyin ugu soo jeediyey Beelaha darafyada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya nabadgalyada “Nabadgalyadu waa waxaynu ku kala socono, oo aynu dal, dad iyo dawlad ku nahay,nabadgalyada oo wax la yeelana, waa qaranimada oo wax la yeelay, ILLAAHAY ayaana marka hore ku mahadinaynaa nabadgalyada aynu haanayo, ee aynu wada ilaashano nabadagalyada, oo aynu ka dheerano wax kasta oo khal-khal ku keenaya nabadeena, oo Dadweynuhuna  dhankooda ha ka ilaaliyaan nabada”.

Mar uu ka hadlaayey Beelaha darafyada Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Guud ahaan Beelaha dega Somaliland, waxaa ka dhexeeya qaranimo, dawladnimo, waana wada muwaadiiniin, cid cid ka xigta Somaliland ma jirto, ee waa in xuquuqda, xaqsoorka, cadaalada iyo sinaanta umadda la lilaaliya,oo aan loo kala hiilin,waa in si siman oo cadaaladi ku dheehan tahayna wax loogu wada qabta, waliba sida u kala hooseeyaan waa in wax loogu qabta”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...