Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa hadlay nabadgalyada, waxaanu baaq nabadgalyada ku saabsan u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in umadda si siman loogu xaqsooro, waxaanu si gaar ah talooyin ugu soo jeediyey Beelaha darafyada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya nabadgalyada “Nabadgalyadu waa waxaynu ku kala socono, oo aynu dal, dad iyo dawlad ku nahay,nabadgalyada oo wax la yeelana, waa qaranimada oo wax la yeelay, ILLAAHAY ayaana marka hore ku mahadinaynaa nabadgalyada aynu haanayo, ee aynu wada ilaashano nabadagalyada, oo aynu ka dheerano wax kasta oo khal-khal ku keenaya nabadeena, oo Dadweynuhuna dhankooda ha ka ilaaliyaan nabada”.
Mar uu ka hadlaayey Beelaha darafyada Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Guud ahaan Beelaha dega Somaliland, waxaa ka dhexeeya qaranimo, dawladnimo, waana wada muwaadiiniin, cid cid ka xigta Somaliland ma jirto, ee waa in xuquuqda, xaqsoorka, cadaalada iyo sinaanta umadda la lilaaliya,oo aan loo kala hiilin,waa in si siman oo cadaaladi ku dheehan tahayna wax loogu wada qabta, waliba sida u kala hooseeyaan waa in wax loogu qabta”