Somaliland: Wasiirka Gaadiidka Oo Sheegay Inay Gacanta Dawladda Sifo Aan Toosnayn Uga Baxeen 1200 Oo Gaadiid Ah

Date:

Wasiirka gaadiidka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay inay gacanta dawlada sifo aan sharci ahayn uga baxeen 1200 oo gaadiid ah kuwaas oo la sheegay in iskaraab ahaan loo iibiyay iyada oo aan la hubin.

Waxa uu shaaciyay in xukuumadu haatan ay samaysay siyaasad lagu xakamaynaayo 900 oo gaadiid ah oo gacanteeda ku jira isla markaasna gaadhi kasta oo inuu xumaaday loo aqoonsanayaa uu mari doono nidaam, waxaanu sidan u sheegay warbaahinta kadib markii uu golaha guurtida oo uu warbixin siinaayay uu ka soo baxay.

Waxaana wasiirka gaadiidku isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“ Tirakoobka gaadiidka dawlada lanbarka aan la wareegnay waxa uu ahaa 2100 gaadiid ah, diiwaangalin ayay samaysay xukuumadan cusubi waxaanay gacanta ku soo dhigtay ilaa 900 oo gaadhi, ilaa 1200 oo gaadhi waxay ka baxeen gacanta dawlada oo iskaraab ayay noqdeen, imika waxaanu samaynay siyaasad guud ee maamula gaadiidka dawlada waxay waajibinaysaa gaadhi kasta oo ka baxaaya gacanta dawlada inay sadex haayadood ka wada saaraan wasaarada gaadiidka, wasaarada maaliyada iyo hantidhawraha guud markaas nidama noocaas ah ayaanay markii hore mari jirin, waxa jira ilaa 1200 oo gaadhi oo markii aanu diiwaankii guud helnay iskaraab ahaan loo xaraashay laakiin aan nidaam sharci marin.”

Wasiirka gaadiidka ayaa sheegay in gaadiidkan tirada badan ay xaraasheen xukuumadii kala danbeeyay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...