Horudhac: Bournemouth vs Arsenal… (Macallin Mikel Arteta oo kulankiisii ugu horreeyey hoggaamin doona Gunners)

Date:

Macallin Mikel Arteta ayaa hoggaamin doona kulankiisii ugu horreeyey Arsenal, marka kooxdiisa cusub ee maanta booqanayso Naadiga Bournemouth.

Dhanka kale, inkastoo isbuucyadii ugu dambeeyay ay si xun u ciyaareen, Kooxda Bournemouth ayaa soo dhaweynaysa Gunners maalinta Boxing Day, iyagoo afar dhibcood ka dambeeya kooxda ka soo horjeedda ee reer London.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Khamiis, 26 Dis 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

Garoonka: Vitality Stadium

Wararka Kooxaha:-

Xiddiga naadiga Bournemouth ee Diego Rico ayaa ganaaxan kulankan, waxaana sii raaca daafaca Nathan Ake kaasoo aan diyaar u ahayn inuu soo laabto kulankan kaddib dhaawac muruqa ah oo uu la maqan yahay.

Labo ka mid ah ciyaartoyda dhaawaca uga maqan Cherries ayaa soo laaban kara, laakiin tababare Eddie Howe ayaa sheegay inuusan fileynin in isbadal weyn uu ku dhici doono kooxda.

Dhinaca kale Daafaca kooxda Arsenal ee Calum Chambers ayaa ganaax ku maqan, laakiin Hector Bellerin iyo Dani Ceballos ayaa laga yaabaa inay soo laabtaan kaddib dhaawacyadii soo gaaray.

Mesut Ozil ayaa taam ah kaddib dhaawac canqawga ah oo uu la maqnaa, waxaana uu ciyaari karaa kulankan, inkastoo laga saaray shaxda kooxda ee isbuucii hore.

Tababarihii hore ee ku meel gaarka ahaa, Freddie Ljungberg ayaana sheegay in Ozil uusan ka ciyaari lahayn kulankii Everton xitaa haddii uu taam yahay, go’aan ayaa la qaatay sababtoo ah jawaabta uu xanaaq ka muuqdo ayuu bixiyey xiddigan reer Jarmalka markii la bedelay kulankii ay ka horjeedeen Manchester City.

Laakiin macallinka cusub ee Gunners Mikel Arteta ayaa sheegay in Ozil uu weli yahay ciyaaryahan weyn oo kooxda ah, isagoo intaa ku daray inaan lagu xukumi doonin wixii uu horay u sameeyey ee wanaag iyo xumaanba ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Bournemouth ayaa kaliya guuleysatay hal mar 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Arsenal tartammada oo dhan (1 Barbaro iyo 8 Guuldarro) kulankaas ay ka adkaadeen waa kii ay ka daba yimaadeen Arsenal iyagoo uga adkaaday 2-1 ciyaar ay gurigooda ku ciyaarayeen oo dhacday bishii Janaayo ee sanadkii 2018.

>- Arsenal ayaa guuleysatay todobo ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay la ciyaartay Bournemouth (1 Barbaro iyo 1 Guuldarro) welina kuma guuldarreysan inay gool dhaliyaan iyagoo ka horjeeda Cherries.

>- Bournemouth ayaan wax guul ah gaarin afarteedii kulan ee Boxing Day oo horyaalka Premier League ay ku wajaheen kooxaha ka dhisan London, (2 Barbaro iyo 2 Guuldarro), waxaana labadaas barbaro ay ku galeen gurigooda kulan 0-0 ku dhammaaday oo ay ka horjeedeen Crystal Palace iyo mid 3-3 ku idlaaday oo ay la galeen West Ham United.

>- Bournemouth ayaa laga badiyay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, marka laga reebo guushii 1-0 ahayd ee ay ka gaareen Chelsea, marka gurigooda la joogo, Cherries ayaana raadinaysa inay ka fogaato inay guuldarreysato afar kulan oo isku xigta horyaalka markii ugu horeysay tan iyo bishii Sebtember ee 2011-kii.

>- Arsenal ayaa barbaro 0-0 la gashay Everton kulankeedii ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, marnaba shabaqooda gool kama ilaashan labo kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League tan iyo bishii Febraayo sanadkii 2016-kii, ciyaartii labaad oo ay 2-0 uga adkaadeen Bournemouth, waxaa u raacday barbaro goolal la’aan ah.

>- Arsenal waxa ay bilaabi doontaa inay dheesho ciyaar Boxing Day ah, iyadoo ku jirta halka ugu hooseysa kala sarreynta horyaalka tan iyo kal ciyaareedkii 1983-84 oo ay fadhiyeen kaalinta 12-aad, markaasoo ay 4-2 kaga badiyeen Tottenham Hotspur kulan ka dhacay garoonka White Hart Lane.

>- Bournemouth ayaa heshay kaliya labo shuud oo bartilmaameed toos ah 273-dii daqiiqo ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay horyaalka Premier League, waxaana ay ku guuldarreysteen inay helaan hal darbo oo bartilmaameed ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.

>- Xiddiga Arsenal ee Mesut Özil ayaa si toos ah ugu lug lahaa shan gool shantii kulan ee Premier League oo uu ka horyimid Bournemouth 3 gool waa uu ka dhaliyey halka uu  2 gool ku caawiyey, mana jirto koox goolal intaas la eg uu ka dhaliyey kuna dhiibay horyaalka Premier League marka laga reebo naadiga Cherries.

>- Mikel Arteta ayaa la wareegi doona kulankiisii ugu horreeyay Arsenal isagoo tababare ah kulankaan, waxaana uu jiraa 37 sano iyo 275 maalmood, waana tababarihii ugu da’da yaraa ee qabta shaqada Gunners tan iyo markii Terry Neill uu maamulay Arsenal sanadkii 1976-kii, markaasoo kulankiisii ugu horreeyey ee uu qabto kooxda uu jiray da’ ahaan 34 sano iyo 105 maalmood.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...