Somaliland: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa xaaladda xuquuqal insaan ee Somaliland

Xuska 71aad ee Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay warbixin hordhac ah ku sheegtay in xadhiga ka dhanka ah xorriyadda hadalka iyo warbaahintu uu sii kordhayo Somaliland.

Sanadkan, 2019, waxa la xidhay 88 qof oo aragtidooda dhiibtay. Waxa ka mid ah 29 suxufi iyo 59 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn.

Hada waxa dacwad ciqaab ahi ku socotaa tafatiraha Horn Cable TV, Cabdiqaadir Saleebaan Cusmaan (Coday) oo lagu haysto war telefiishanku sii daayay oo ku saabsanaa waraaq shirkad diyaaradaha ahi u qortay gegida diyaaradaha ee Somaliland iyo waraysi laga qaaday hogaamiye jabhadeed.

Sanadkan waxa la xayiray afar warbaahinood:

  • Maxkamad ayaa xayirtay shabakadda wararka ee Hadhwanaag kadib markii ay daabacday eedo musuqmaasuq oo lagu eedeeyey gudoomiyaha Bangiga Dhexe. Waxa la xidhay sadex suxufi oo ka tirsan shabakadda kuwaas oo markii danbe lagu sii daayay damiin. Hada waxaay u baxeen dalka debediisa iyaga oo sheegay inay baqdin uga carareen dalka.

 

  • 10 February 2019 waxa la xayiray mudo sanad ah wargayska Foore oo lagu haystay war uu ka qoray madaxtooyo cusub oo laga dhisayay Hargeysa.
  • 15 June 2019 waxa amar uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta lagu xayiray labada telefiishan ee Horyaal iyo Eryal. Looma sheegin waxa lagu xayiray. Wad hadal kadibna waa laga qaaday xayiraadii.
  • Wasiirka warfaafintu amaro is daba joog ah oo cabudhin ku ah warbaahinta ayuu soo saaran sanadkan gudihiisa.

 

Cabudhinta lagu hayo mucaaradka

Habeenimadii 17th of November 2019 waxa la xidhay xoghayaha guud ee xisbig mucaaradka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, iyo af-hayeenkii xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun, kadib markii xisbigu ku baaqay in taageerayaashiisu isugu yimaado xarunta guud ee xisbiga. Waxaay xabsiga ku jireen 9 maalmood. Waxa lagu soo daayay dhex-dhexaadin.

Waxa sidoo kale la xidhnaa oo isla mar la sii daayay Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ah muwaadin rayid ah oo lagu qabsaday hadal kaftameedka caan baxay ee “ila meerayso” oo ay dawladdu dhibsatay.

Maxamed Sidiiq Dhame oo ah hogaamiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani ayaa la xidhay 1 May 2019 kadib markii uu dhaliilay xaalad degdeg ah oo ay dawladdu ku soo rogtay gobolka Sanaag. Wuxuu xidhnaa laba bilood iyo badh.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa la xidhay 9 May 2019 markii uu dhaliil ku aadan dabaal degga 18 May jeediyay. Xadhigiisu wuxuu ka soo horjeeday dastuurka oo damaanad qaaday xorriyada hadalk islamarkaana mamnuucay in la xidho xildhibaan hadii aan ogolaansho laga haysan Golaha uu ka tirsan yahay. Maxkamadu way diiday inay rumaan garayso, sidoo kale baarlamaanku wuu diiday inuu maamuuska ka xayuubiyo. Hadana wuxuu xidhnaa mudo bil ah. Waxa lagu xidhay qaybta u dhisan argagixisada ee ku taal CID da Hargeysa. Waxa lagu sii daayay dhex-dhexaadin oday beelleedyo galeen.

Dawladda Somaliland waxaay is-hortaagtaa mudaharaadda aanay iyadu ogolaansho siin. 16 November 2019 xisbiga mucaaradka ah ee Waddani wuxuu ku baaqay isku soo bax taagerayaashiisu ku tagaan xaruntooda Hargeysa. Waxaay kaga cabanayeen muran ku aaadan xubnaha cusub ee Gudida Doorashooyinka. Arooryadii 18 November markii taagerayaashoodu ku soo urureen xarunta waxa ay meeshii ugu tageen gawaadhi booliis ka buuxo oo ku hareeraysan xarunta. Iyaga oo arooryadii hore la sii wareegay xafiiska, debedana uga saaray shaqaalihii.

Badhasaabka gobolka Hargeysa wuxuu amar ku siiyay hudheelada Hargeysa inanaay ogolaan shir ama xaflad aan mark hore ogolaansho ka haysan dawladda. Amarkan oo ka soo horjeeda dastuurka wuxuu cabudhin ku yahay xorriyadda kullanka. Wuxuu si gaar ah u saameeyey xisbiyada siyaasadda oo sheegay in la iska hortaagay kulan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac wayn ka qabtaa falalka ay dawladdu ku kacayso. Waxaanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta inay ixtiraamaan dastuurka, joojiyaan ciqaabta warbaahinta, iyo cabudhinta ay ku hayaan mucaaradka iyo dadka dawladda dhaliila. Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa inay xayiraadda ka qaado warbaahinta ay xayirtay iyo inay sii dayso suxufi Cabdiqaadir Saleebaan Coday.

 

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Darajada C Ku Celyay Degmooyinka Caynba,Taleex iyo Baligubadle Oo Guurtidu ay Dalacsiiyeen

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland ayaa xeerka ismaamulka gobalada iyo degmyinka oo ay wax ka bedal ku sameeyeen golaha guurtidu  waxa ay  ku celiyeen sidii markii hore ay ugu codeeyeen kadib markii ay ku diideen golaha guurtida wax ka badalkii.

Golaha guurtida ayaa darajada degmooyinka Caynaba,Taleex iyo Baligubadle oo golaha wakiiladu ay ka dhigeen darajada C waxa ay u badaleen darajada B, degmooyinkaas  oo ay haddana golaha wakiiladu dib ugu celiyeen darajadii C.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo qodobka 12 ee xeerkan is maamulka gobalada iyo degmooyinka cod u qaaday, waxa uu codkii u dhacay sidan “ 29 xildhibaan waxay ansixiyeen sidii ay golaha wakiilada kaga baxday, 16 waxay ansixiyeen sida golaha guurtida, 4 waa ay ka aamustay, gudoomiyahu muu codayn, qodobka 12-naad waxa uu ku ansaxay sidii golaha wakiilada uu kaga baxay. Fadhigu waa uu xidhan yahay waana inoo Sabtida hadii alle yidhaahdo.”

Sida oo kale waxa ay xildhibaanada golaha wakiiladu ay cod duuduub ah ku meel mariyeen xeerkan oo ay 44 xildhibaan u codeeyeen , waxa diiday 3, waxaana ka aamusay saddex kale.

Comments

comments