West Ham vs Tottenham – Miyuu Jose Mourinho Guul Ku Bilaaban Doonaa Waayahiisa Spurs? Yaase Shaxdiisa Kusoo Bilaaban Kara?

Date:

Tottenham Hotspur ayaa marti u ah galabta kooxda West Ham, labada kooxood ee ka wada dhisan magaalada London ayaa ciyaaraya kulankooda ugu horreeya kulamada horyaalka fasalkaan, waxaana xiiso u yeelaya ciyaarta in Jose Mourinho uu maamulay Spurs, waana macalinka ugu guulaha badan horyaalka marka laga hadlo 19-ka kale ee ku sugan horyaalka.

Jose Mourinho oo saddex jeer u dabaal dagay hanashada horyaalka ayaa dib ugu soo laabtay horyaalka kadib markii uu Mauricio Pochettino ka badalay Spurs, wuxuuna soo galayaa garoomada horyaalka markii ugu horreysay tan iyo bishii December 2018 markaas uu maamulayay Red Devils.

Mourinho wajigiisa cusub ayaa la eegi doonaa maanta, waxaana la sugi doonaa hadii uu kooxda dib usoo kiciyo maadaama ay kaalinta 14-aad ee horyaalka fadhiyaan, una baahan yahiin iney niyad ahaan soo laabtana.

 

WARBIXINTA KULANKA:

kulanka: West Ham vs Tottenham Hotspur

Tartanka: Premier League

Garoonka: London Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Michael Oliver (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Xiddigii hore Arsenal (Jack Wilshere) ayaa shaki la galinayaa kadib markii uu la kulmay dhibaato gumaarka ah, sidoo kale Mark Noble ayaa rajeynaya inuu kasoo laabto dhaawac anqawga ah.

Michail Antonio oo wax badan dhaawac ku maqnaa ayaa rajeynaya inuu kooxda kusoo laabto, walina kooxda waxaa ka maqan Lukasz Fabianski iyo Manuel Lanzini.

Jose Mourinho kaliya wuxuu tabayaa Hugo Lloris oo dhaawac muddo dheer kooxda uga maqnaanaya, sidoo kale Lamela iyo Vertonghen ayaa filanaya iney dib ugu soo laabtaan kooxda.

SHAXDA MACQUULKA AH:

West Ham United:

Roberto; Zabaleta, Balbuena, Diop, Cresswell; Rice, Noble; Yarmolenko, Anderson, Lanzini; Haller

Tottenham Hotspur:

Gazzaniga; Foyth, Sanchez, Alderweireld, Rose; Ndombele, Sissoko; Eriksen, Dele, Son; Kane

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

West Ham kulankii ugu dambeeyay oo ay Spurs la ciyaaraan wuxuu dhacay April, Antonio oo dib ugu soo laabanaya isbuucaan Hammers ayaana dhaliyay goolka qura ee labada kooxood kala duway, waxeyna aheyd guushii ugu horreysay oo ay West Ham kusoo gaarto guriga cusub ee Spurs.

Tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyay labadaan kooxood West Ham kaliya afar jeer ayey guuleysatay halka Spurs ay shan jeer badisay, kulan ka tirsan ayeyna barbaro ku dhameysteen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...