Man City vs Chelsea – Guardiola Miyaa Soo Rogaal Celin Doona Mase Lampard Ayaa Guulahiisa Xiriirka Ah Sii Wadan Doona?

Date:

Kooxda Manchester City ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta dhigeeda Chelsea iyadoo labada kooxood uu kaliya farqi hal dhibic ah u dhaxeeyo, waxeyna kala fadhiyaan kaalmaha 3-aad iyo 4-aad.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Manchester City waxey la careysan yahiin wali wixii ku qabsaday garoonka Anfield markaas oo 3-1 looga adkaaday kulan dhacay ka hor ciyaarahii soo dhamaaday ee heerarka qaran.

Dhinaca kale Blues waxey ku naalooneysaa xaalad fiican maadaama Lampard iyo wiilashiisa ay gaareen guulo lix kulan oo xiriir ah, inkastoo laga sheego ineysan si fiican u wajahi karin kulamada waaweyn markaa dib u fiiriso natiijooyinkii ay ka heleen Man United iyo Liverpool.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 8:30 Fiidnimo

Garsoore: Martin Atkinson (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX?

Bernardo Silva ayaa kulankaan ganaax ku seegi doona kadib markii FA-ga ay ku ganaaxeen kaftan uu baraha bulshada uga sameeyay Benjamin Mendy.

Guardiola ayaa go’aansan doona hadii uu wada kulmin doono Rodri, Silva iyo Gundogan, sidoo kalana Ederson ayaa la filayaa inuu taam buuxa u noqdon, kuna soo bilowdo si la mid ah Mendy ayaa la filayaa maanta.

Frank Lampard qudhiisa waxaa laga sugayaa hadii uu dhexdiisa u wada dooran doono Jorginho, Kante iyo Kovacic maadaama ay wada taam yahiin.

Sidoo kale Christian Pulisic ayaa shaki la galinayaa taasoo Mount fursad siin karta hadiiba saddexda dhexe uu kusoo bilaabo Frankie.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester City:
Ederson; Walker, Stones, Fernandinho, Mendy; De Bruyne, Rodri, D.Silva; Mahrez, Aguero, Sterling

Chelsea:
Arrizabalaga; Azpilicueta, Zouma, Tomori, Palmieri; Kante, Jorginho, Kovacic; Willian, Abraham, Pulisic

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka caawa waa midkii 146-aad ee ay labada kooxood ku kulmaan tartan rasmi ah, Blues ayaa guulo badan oo 67 heysata halka City ay badisay 56

Si kastaba, Pep Guardiola wuxuu Blues ka helay 4 guul oo aan shabaqiida la taaban, lix kulan uu wajahay isagoo hogaaminaya City, sidoo kalana waxaa jirta inuu ka qaaday Carling Cup.

Intaas waxaa sii dheer in Blues ay 2-0 ku badisay kulankii December 2018 ku dhexmaray labadooda garoonka Stamford Bridge, Kante iyo Luiz ayaana shabaqa gaaray.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...